Shalay iyo Maanta Isu ekaa !!!(Maqaal) W/Q: Cabdullaahi Sheekh .

Written by Maamul on .

Dadka Muslimiinta ah ee dega Dhulka loo yaqaan Soomaaliya waxay soo martay  taariikh aad u dheer oo  xanuun badan oo ay  kala kulmeen gumaystayaashii reer Yurub Iyo kuwo Afrikaan ah wakiilana ka ah kuwo cad ee soo adeegsaday (proxies) dhibna ku haya weli ummadda Soomaaliyeed, waxaana muuqata in dhibkii isaga ahaana uu sidii wali utaaganyahay, deegaanada haba  ku kala badnaadee.

 

 Laga soo bilaabo markii Harar ay ugacan gashay Mustacmaraddii Itoobiya ee uu horkacayewy Minilik 1887 ilaa iyo manta dhaqdhaqaaqyadii hubaysnaa ee  lagu difaacayay  diinta iyo dalka, sidii ayay usocdaan, oo kuwaba  kawa kale ayeey badalayeen,  haba ku  kala duwanaadeen magacyda ay xambaarsan yihiin

 

Kacdoonadaa iyo dhaqdhaqaaydaa hubaysan marna ma damin  waxa  ay hor taagnaayeen oo ay la dirirayeen wuxuu ahaa gumaystayaashii  diinta iyo dalkaba hororka ku ahaa ee ku soo duulay  Kacdoonnada hada jiraana waxa ay ka mid yihiin kacdoonadaas  isdaba socda.

 

Haddii  qarniyo ka hore culimo ayo Rag ay ka mid ahaayeen   Sayid Maxamad cabdale xasan ,  Shiikh Xasan Barsane,  Shiikh Bashiir,  Sh Maxamuud Nuur,   Garaad Maqtal  iyo  rag kaloo badan oon la soo koobi Karin ay la dagaalamayeen gaaladii ku soo duushay  diinta iyo dalka  ee  dadka adoonsan jiray diintana ka saari jiray  kuwa manta halgamaya oo cadowga hortaagana isla gumaysigii oo magacii badeshay oo la baxay   UN. AMISOM  .IWM ayeey  hortaagan yihiin waxa ay rabaana waa wixi ay rabeen kuwii qarniyo ka hor   na qabsday oo awoowayaasheen adoonsaday  galiyayna dagaalo aduunyada dacaladeeda sida hindiya, Burma iyo wadama kalaba, kheyraadkeeniina daldashay.

 

Waxba yaanu warka ila durkine waxaan leenahay taariikh halgan oo  dheer, walina sidii la rabay  taariikhdeena raadkeeda  looma helin ,halgankii xilligaa bilowday waa kan maanta ka socda meela ka mid ah dalkeena.

 

Maqalkaygan kooban waxa aan rabaa inaan ku iftiimiyo shalay iyo maanta sida ay isugu egyihiin waxaan soo qaadanayaa dhowr dhacdo oo dhacday qarni hore si aan u ogaano maanta nin kastoo   gaalo isu dhiiba ama qaddiyadii loo halgamayay  iibsada inuu ogaado in qaddiyadani rag leedahay ilaahayna raali galinaya una diyaarsan laba inay mid noqdaan  ineey ka guulaystaan cadawga ama shahaado helaan


Waxaan maanta in badan maqlaynaa muxaadaraad   idaacadaha  iyo qoraalo dadka lagu niyad jabinayo loona tusinayo inaan dagaal waxba lagu keeni Karin lagama maarmaana ay tahay in laga horyimaado oo lala dagaalamo dadka sheeganya inay jihaadayaan , waxyaaaha layaabka mudan  oon arkayno waxaa ka mid ah taangigii cadawga oo dhex mushaaxaya  dalkii, banaystayna cirdigii Muslimiinta  waxaas loogu yeerayo nadwooyinka  hal nadwo oo looga hadlayo ma arkaysid meesha doodeeda dadka cadawga hortaagan aad loo ceebaynayo.

 

Dhawr tusaale ayaan soo qaadanayaa

 

Tusaalaha koowaad .

Sanadaku markuu ahaa 1947 ayaa wadaad la oran jiray Shiikh Bashiir Yuusuf oo reer Togdheer ahaa u adkaysan waayay dhibka cadawgu ku hayo dadka Mulimiinta ah, wuxuu bilaabay inuu abaabulo  dadkii uu markaas bidayay in ay aqoon leeyihiin, kuwaas oo ahaa cullimmaddii xilligaa joogtay, markii  uu geed dheer iyo mid gaaban  ufuulay oo shirar badan isugu yeeray, ma helin taageeradii uu ka doonayay Cullimmadda, oo  waxay garanayeenkacdoonnaadii ka horeeyay sida loola dhaqmay oo kacdoonnaddii ka horeeyay waxa lagu gumaaday dad badan .

 

Waxaa la sheegay markii uu dhowr jeer la kulmay oo uu guubaabiyay cullimmaddii, waxaa rag badan uqaateen in uu soo wado sidii Sayid Maxamad iyo Darawiishtii, waayo waxa uu doonayay jabhad hubaysan  oo gumaysiga dagaal ku qaadda, maalma ka dib ayuu mar kale cullimmaddii waa wayneyd ee gobalka isugu yeeray  markii uu hadalka usoo jeediyay usheegayna inuu bilaabayo jihaad  way ka diideen  waxayna ku yiraahdeen  waxaan ku akhrin doonaa Quraan  sidaas ayaanu gaalada ku kicin doonaa .

 

Shiikh Bashiir raxmatullaahi caleyhi, hadalkaas waa qaadan waayay, wuxuuna meeshii soo dhigay koob biya ku jiraan, wuxuuna ku yiri, hareeraha  kala fariista oo ku akhriya 30ka juz ee Quraanka  bal inaad koobkaan ku jabisaan  ama biyaha ka daadisaan, markii Quraankii lagu dhameeyay  oo koobkii halkiisii yaal, ayuu wuxuu  yiri, Quraanku wuxuu ubaahanyhay  in ficil lagu daro, koobkii ayuu ushiisii ku dhuftay  koobkiina jabay biyihiina ka daateen, markaas ayuu tusaale uga dhigay in ay tahay lagama maarmaan in Quraanka ficil lagu daro.

 

Sheekhii ciidan buu  abaabushay wuxuna lagalay buurta layiraahdo Cayn oo caynaba waqooyi kaga beegan, waxaa ka daba tagay ciidan xoog leh oo gaaladi hogaminayso Soomaalina u badan, kuwaas oo garanayay buurta iyo meelaha looga dhuman karo, halkaas waxaa ka dhacay dagaal rag badan ku hoobteen  oo uu shiikhii iyo rag kaloo badana ku jireen  Allha unaxariistee, waxaa uur xumo  dadkii ku beertay  markii maydki Shiikha Burca la keenay barxad banana ahna la soo dhigay  lana diiday maalmo in la aaso iyagoo gaalada Ingiriiska tusayso dadwaynaha ama ku cabsi galinayso in qofkii is dhaqaajiyo sidaa loo dili doono  oo aanu meelna ku baxsanayn.

 

Markii xaaladaas dhacday  waxaa arinki gaaray Xaaji Aadan Axamd (Afqalooc) waxa uuna ka tiriyey gabaygan:

 

Duhur baa Bashiir lagu shanaqay, daar agtiina ahe.

Damal la hargalaa bey jebsheen, waqay dulloobeene.

Dahriga iyo laabtay rasaas, kaga daloosheene.

Isagoo dam iyo dhiigleh, oo mara  ku duuduuban.

Dadkii uu nebcaa iyo kufribaa, daawashuu yimiye.

Dacsad iyo ihaaniyo cagbaa, loogu sii daraye.

Maydkiisa daahira markii, debada loo tuuray.

Nimankii dilkiisii qirtiyo, idinka duunkiina’

Kolkii aaska loo diiday waa, wada duljoogteene.

Madanqane jirkiinii kolkaas, waad ku digateene.

Nasab hadaad duriyatii tihiin, kama dareerteene.

Gabaygaa markuu tiriyay xaajiga waa la xiray markaas ayuu indhaha wax ka noqday

 

Aritaa waxay na tusinaysaa maanta  iyo shalay ineey isku mid tahay oo  wadaadadii qaarkood leeyihiin gaaladu maslaxeey noo wadaan horumar ayeey na gaarsiinayaan amnigay noo soo celinayaan wayna iska bixi doonaan  kuwaan la dagaalamaya ayaa dhibka wada oo fitna wadayaal ah, haddaba muxuu yahay farqiga udhexeeyo kuwii lahaa Quraan baan ku akhrinaynaa way iska bixi doonaan  iyo kuwa nadwooyinka  jahawareerka  ah ummada ku wareeriyay?

 

Tusaalaha labaad

Sanadku markuu ahaa  1917-1918kii  wuxuu Talyaanigu hub u qaybiyay dadkii reer guuraaga ahaa ee daggannaa Dhulka hadda Hiiraan loo yaqaan ilaa Mahaday   si ay uga hor tagaan  Daraawiishta fadhida Baladweyne, si aanay ugu soo fidin dhanka Koonfurta, markii uu dhamaaday dagaalkii Daraawiishta oo la jabiyay, wuxuu Talyaanigu doonay inuu dadkii hubka ka dhigo si aan Talyaaniga loo weerarin, waxaa meel kasta looga yeeray Odayaashi qabiilada laguna amray in nin walba ka soo ururiyo hubka qabiilkiisa. Markiiba Shiikh Xasan waa diiday in uu u yimaaada gaalka, waxaa loo soo diray ergo wadaada  ah taasna waxba kama yeelin.

 

27 Maarso 1924, waxaa lagu bixiyay ciidan xoog leh  oo wax walba u dhamaystiran yihiin oo la rabay in ay Shiikha soo qabtaan, 29 Maarso 1924, waxa la soo weeraray xaruntii Shiikha waxaana lagu garaacay madaafiic, markuu dagaalkii socday  5 maalmood ciidankii Shiikhuna ay si fiican isu difaaceen Talyaaniga iyo  Gaala raacyadii Soomaalida ahaana jab loo gaystay, gabagabdii waxaa ussurta  gashay gaaladii inay Shiikhii iyo rag kaleba nolol ku qabsadaan, waxaana loo taxaabay  xabsi ku yaalo Mahaday, 13 Jannaayo, waxaa Shiikha la soo taagay Maxkamad waxaana lagu eedeeyay inuu abaabulay kacdoon Talyaaniga ka dhan ah iyo inuu laayay rag badan oo ay  sideede Talyaani ah ka mid yihiin waxaana lagu xukumay 30sano oo xabsi adag ah markuu wax uu jiray Shiikhu 80 sano,ugu danbayntiina wuxuu ku geeriyooday xabsi  ku yaalo Xamar taariikhdu markay ahayd 28 Jannaayo 1927 ilaahay ha unaxaristo.

 

Hadaba walaalyaaal  Talyaani wuxuu  xooga saaray kacdoonnadda jiray in ayna gobollada kale ku fidin, hada miyaanay maqlayn gobolo dadkii dakanaa ay shirar uqabanyaan Amisom oo ay leeyihiin  naga soo gaara  kacdonka Koonfur ka jira inta uusan na soo gaarin, arrintaa waxay ku tusinaysaa dadku waa isku dadki cadawguna waa isla cadawgii wax isbadalay ma jiraan wadaadaduna waxay uqaybsan yihiin kawo kacdoon hubaysan rabo inay wadanka ku xoreeyaan iyo kuwo raba inay gaalada Marre ku saaraan.

 

Tusaalooyinka shalay iyo maanta lama soo koobi karo mana rabo maqaalku inuu dheeraado oo laga cajiso akhriskiisa, kacdoonnadda Gumaysiga looga soo horjeedo sidaas ayeey isu soo daba socdeen ragii hogaaminayayna  gumaysiga iska daaye Soomaalida amaba niman wadaado ah ayaa ka dhib badnaa cadawga oo ceebeeyn jiray kuna tilmaami jiray inay Sufaha yihiin, marka hadda wax kasta oo  nadwooyin ama muxaadaraad lagu sheego waxaan bulshada usheegaynaa waxa cusub ma aha ninka halganka minja xaabin jirey ,waxaa  iga tala ah ninka maanta diinta sheeganaya oo cadawga ka soo horeeyoow waxaan ku xasuusinayaa kuwa kacdoonka wado hadii laga takhaluso in lagu adoonsan doonoo lagu raran doono, waxaan ku soo gabgabynayaa gabaygii  dardaaranka ahaa oo la yiri waa kii ugu danbeeyay oo  Sayid Maxamad utiriyay kuwii ku digtay mrkii la jabiyay  kacdoonkiisii.

Dadow maqal daduubtaan ku oran, ama dan hawyeelan.

Ama dhaha darooryiba jiryow, doxorku yeelkiise

Nin ragey dardaaran u tahee, doqon ha moogaado.

Dawo lagam helo gaal hadaad, daawa dhigataane.

Waa idin dagayaa kufriga, aad u dabacdeene.

Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’eysaane

Marka hore dabkuu idanka dhigi, dumar sidiisiiye.

Marka xigana daabaqadda ayuu, idin daree siine.

Marka xiga dalkuu idinku oran, duunya dhaafsade e.

Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraaye.

Mar hadaan dushii adari iyo, Iimay dacal dhaafay.

Waxaad iga danbaysaanba waa, dayrtan oo qurahe.

Maxaad igaga digataan beruu,siin la soo degine.

 

Wabillaahi Towfiiq

Waxaa qoray Abu-Jabir

C/ SHEEKH.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

...