Weerar ay Ciidanka Kenya Tuulada Xayo ku qaadi lahaayeen oo lafashiliyay iyo Ciidanka Muslimiinta oo gaadiid gubay.
Ciidamada muslimiinta wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa fashiliyay isku day ay isku fidin lahaayeen ciidanka dowladda gumeysiga Kenya iyo maleeshiyaad Soomaali ah.
Sida aan kasoo xiganay Ilo wareedyo katirsan wardoonka muslimiinta Somaliya Kenya ayaa shalay gelinkii dambe qorshaysay in ay weerar kusoo qaado difaacyada mujaahidiinta ee Aagga Qooqaani iyadoo gadaal kasoo riixaysa maleeshiyaad Soomaali ah.
Maanta Duhurkii ayay maleeshiyaad Soomaali ah oo Axmed Madoobe taabacsan isku dayeen in ay weerarka ku hor maraan oo ay Kenyaatiga ka xigsadaan xabadda dhanka mujaahidiinta ka imaanaysa .
Wariye Islaami ah oo ku sugan Jubbada Hoose ayaa soo sheegay in dagaal saacado socday kadib ay ciidamada Muslimiinta Somaaliya usuuragashay in ay cadawga dib ugu celiyaan Qooqaani.
"Duulaan ay soo qaadeen cadawga way ku fashilmeen gaadiid badan ayaa looga gubay meel 3 KM ujirta Qooqaani gaar ahaan halka ay ukala baxaan wadooyin Qooqaani looga baxo Cag Libaax iyo Xayo"ayuu yiri Wariye Cabdi Raxmaan.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in markii maleeshiyaadka Somaalida lajebiyay ay dagaalka kusoo biireen ciidan Kenyaan ah oo isku dayay in ay mujaahidiinta ka difaacaan laba gaari oo gubatay iyo mid saad ciidan saaranyahay.
Illaa iyo hadda SomaliMeMo maxaqiijin karto in gaariga saadka ciidan sida uu ciidanka Muslimiinta ugacan galay iyo inkale waxaase xaqiiq ah in cadawga oo jabay dib ugu laabteen Qooqaani ayna ka carareen gaadiid laga gubay.
SomaliMeMo
Kismaayo
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
