Qaraxii Tiyaatarka ka dhacay oo kala geeyay Madaxda DKMG ah (Warbixin).

Written by Maamul on .

somalimemo.netMadaxda ugu sareysa DKMG ah ayaa isku khilaafsan qaraxii maalmo ka hor ka dhacay goob ay ku kulansanaayeen madax katirsan DKMG ah iyo faasiqiin taageerayaal u ahaay.

Saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa amar ku bixiyay in lasoo xiro saraakiil ka shaqeynayay xafiiska R/wasaare Gaas.

Maanta duhurkii ayay rag wajiyada soo xirtay oo katirsan shaqaalaha AMISOM ee dhanka amniga waxay xoog ku galeen guriga Gaas waxayna qafaasheen illlaa iyo 10 Nin oo qaarkood ay saraakiil ahaayeen.

Intabadan saraakiisha Villa Somaliya ayaa larumeysanyahay in ay wax ka ogyihiin weerarada qorshaysan ee lagu qaado gudaha xarumaha TFG, ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiisha maanta laxiray aysan xiriir wanaagsan lalaheyn shariif Sheekh Axmed.

Waxaa jirta cabsi ah in madaxda DKMG ah ee horay u ahaay ARS-ta ay sir badan fakiyaan haddii aan lajoojin cadaadiska lagu hayo.

SomaliMeMo
Muqdisho

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it