Dabadhilif kasta sidaan ayaa u dambaysa: Xaabsade iyo Aadan Madoobe oo iyagoo Jeebaysan Addis Ababa laga dejiyay (Warbixin).
Warar lagu kalsoonyahay oo soo gaaray bogga calamada ayaa sheegaya in Maxammed Ibraahin Xaabsade iyo Aadan Maxamad Nuur “ Adan Madoobe” oo ka mid ah Madaxda TFG-da ee horboodaysa Duullaanka ay Xabashida Itoobiya kusoo qaaday Wilaayada Baay & Bakool loo qaaday Magaalada Addis Ababa kadib markii lagu eedeeyay inay ka dhega adaygeen Amar kasoo baxay Itoobiya.
Ilo muhiim ah oo aan soo xiganay ayaa sheegaya in shalay diyaarad yar oo ay leedahay Xabashida Itoobiya ay kasoo degatay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo kadibna labadan nin oo aan wax war ah hore loogu sii sheegin lagu amray in iyagoo aan wax hadal ah soo celinin ay diyaada raacaan.
Sababaha ay ku qoonsatay Xabashida Itoobiya labadan nin ee iyada dabadhilifyada u ahaa ayaa ah in Itoobiya ay usoo gudbisay qorshe ah in degmooyinka ay xabashidu kaga sugantahay Baay & Bakool laga dhiso maamul goboleed si toos ah u hoostaga Xabashida Itoobiya oo aanan wax shaqa ah ku lahayn Kooxda uu Shariif hogaamiyo madaama waqtigii kooxdaas ay ka dhimantahay bilo kooban oo kaliya, arintaas oo la sheegay inuu aad ugu riyaaqay Shariif Sakiin-ka sheegta inuu yahay Gudoomiyaha waxa loogu yeero Baarlamaanka balse ay ka dhega-adaygeen Xaabsade iyo Aadan Madoobe.
Intaas kadib ayay Xabashida Itoobiya iyo Shariif Sakiin isku raaceen in labada Murtad ee Xaabsade iyo Aadan Madoobe cadaadis lagu saaro inay si qasab ah ku ogolaadaan hindisaha Xabashida, Cadaadiskaas oo ka bilaabanaya in lagu handado in Xabsi-guri lagu gelin doono Magaalada Addis Ababa, lagana mamnuucayo inay wax isgaarsiin ah isticmaalaan oo ay Soomaaliya kula soo xiriiraan, hadii ay intaas ku waana qaadan waayaan si toos ah Xabsi loo dhigo.
Diyaaradii yareyd ee shalay qaaday xaabsade iyo Aadan Madoobe ayaa ka degatay Magaalada Addis Ababa, waxaana tan iyo xilligaas jirin wax war ah oo laga hayo halkii ay labadaas dabadhilif ku dambeeyeen, iyada oo ay xusid mudantahay in Kooxda uu hogaamiyo Shariif oo sheegata inay iyadu wadanka Madax ka tahay xubnahaasina ay ka tirsanyihiin aysan wax war ka haynin sida ay halkaas wax uga dhacayaan.
Dadka u dhuun-daloola arimaha siyaasada iyo damacyada guracan ee Itoobiya ayaa sheegaya in Itoobiya ay doonayso xilligan lagu jiro in maamul iyada ka amar qaata isla markaana ay Gaalada Caalamka kula gorgortanto ay ka samayso Baydhabo iyo nawaaxigeeda sida ay Kenya iyaduna ugu xusul-duubanayso inay maamul iyada hoosyimaada ay ka samayso Jubooyinka kaas oo ay horjooge uga dhigayso Maxamed Cabdi Gaandi, inkasta oo damaca Kenya uu hada haadaan kasii dhacayo kadib markii ay Mujaahidiintu dagaallo kala hortageen.
Hadii ay rumowdo arinta ah in Xaabsade iyo Aadan Madoobe Xabsi guri lagu geliyo Addis Ababa ayaa waxaa arintaas si weyn ula dhacsan Shariif Sakiin, kaas oo doonaya inuu kaligiis ku noqdo horbooditaanka Maamulka ay Xabashidu Damacsantahay inay ka dhisto Baydhabo.
Xabashida Itoobiya ayaa caan ku ah inay bahdil iyo dullaysi kula kacdo madaxda dabadhalifika u ah ee ay u aragto inay ka dhamaysatay danihii ay ka lahayd, Waxaana dadka Muslimiinta ah ay weli isweydiinayaan halka uu ku dambeeyay Barre Adan Shire “ Barre Hiiraale” oo ku caanbaxay dabadhilifnimada Itoobiya iyo la dagaalanka Muslimiinta, kaas oo markii ay Xabshidu ka dhamaysatay ujeedooyinkii ay ka lahayd mar qura bidhaantiisii la waayay nolol iyo geeri halka uu ku dambeeyay , markii ugu war dambaysaysey uu ku jiray xabsi uu xukumo dable Itoobiyaan ah oo ay Barre Hiiraale mar isku dheceen.
Halkan ka dhagayso Waraysiga Afhayeenka oo dhamaystiran


