King Mark House: Si aan Alshabaab uga adkaano waxaan u baahanahay Boqol Fatwo oo culimada Islaamka kasoo baxda.

Written by Maamul on .

somalimemo.netBaadariyaal u dhashay dalka Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay awoodda dheeriga ah oo ay helayaan xoogaga mujaahidiinta ee ka dagaalamaya dalka Soomaaliya.

Reer galbeedka ayaa layaabay sida ay xarakada Al Shabaab taageerada uga helayaan shacabka Muslimka Soomaaliyeed iyo dadka ku dhaqan wadamada carabta iyo caalamka Islaamka.

Mu'asasada RAND ee mareykanka laga leeyahay waxay qaabilsantahay wacyi gelinta wadaada xumayaasha caalamka si ay u fitneyso shucuubta Islaamka.

Culimada ayaa ah lafdhabarta umad walba haddii culimadu xumaato waxaa wareeraya masiirka umadda arrinkaasi waxaa daraasad ku sameeyay khubaro gaalo ah kadibna dhaqaale iyo waqti u huray sidii culumada dhaqaale loo siin lahaa si ay umadda ujiha wareeriyaan.

Nin Mareykan ah oo lagu magacaabo King Mark House ayaa dhawaan qoray codsi uu culumada caalamka ee RAND taabacsan uu uga codsanayo in ay soo saaraan Fataawaat ka dhan ah shabaabul Mujaahidiin.

"Cambaareynta ay beesha caalamka ujeediso Alshabaab waxba sooma kordhin karaa oo shabaab wayba ku xoogeysanayaan cambaareynta caalamiga waxaan codsaneynaa in culimada caalamka ay soo saaraan Boqol Fatwo oo shabaab ka dhan ah"!! ayuu yiri Mark.

Prof-kan Mareykanka wuxuu soo tiriyay culimada Islamaka ee uu Fataawaatka ka doonayo wuxuuna carrab dhabay dariiqada suufiyada,Shiicada, suniga iyo dhamaan dariiqooyinka kala duwan.

Warkan kasoo yeeray Ninkan gaalka ah wuxuu ku socdaa Ragga ay horboodayaan Bashiir Axmed Salaadi iyo Nuur Baaruud Gurxan.