Maalinkii aan ka quustay Saxaafadda dhex dhexaadka ah

Written by Maamul on .

Waxey aheyd maalin aan hilmaamin..oo aan tufay saxaafadda dhex dhexaadka sheegata iyo qurunka loogu yeero saxaafadda Madaxa banaan..


Waxaa isku soo aaday sanaddii 2006-dii aniga oo habeenkaasi Warka Idaacadda ku qoran iyo Baadariga Catooligga Benedict 16 Lacnatullaahi Caleyhi oo Jaamacad ku taalla dalka Jarmalka isagoo ka qudbeynaya soo daliishaday hadal hore loo yiri oo ahaa “ Nabi Muxamad صلى الله عليه وسلم  ayaa dhibaatada dhan u soo jiiday Caalamka marki uu yiri waxaa leyla so saaray Seyf”.


Barigaasi waxaa taagnaa waxa loogu yeero kulminta xadaaradaha kala duwan, habeenkii markii warka Caalamka la gaaray ayaan qodobkaasi soo qaatay, waxaana markii aan magaca baadariga sheegayay aan dhahay “ Baadariga Xunka ah” anigoo doonayay in ay ku yaso oo aan ku weyneyno shaqsiyadda ay beegsanayaan ee ah Nabigeena Muxamad صلى الله عليه وسلم  وفداه أبي وأمي والعالمين .


Muddo ka dib ayaan koo Jaamici Jaamici iska dhigaya oo I yaqaana ayaan is aragnay..maqaaxi ayaan ka wada casheynay..wuxuuba inta iila soo istaagay saxaafad dhex dhexaad ah maba ka shaqeyn kartid..saxaafadda nidaamkeeda maba ilaalin kartid..waxaa kugu jira caadifad aaney aheyn qofka saxafiga ah in ay ka muuqato xilliyada qaar!!!


Waxa la isku hayo shaqsiyadda Nabigeena, waxa lagu xad gudbay waa sharafkiisa..waxa uu ilaali I leeyahay waa xeer saxaafadeed…Subxaanallaah…haddiiba saxaafaddiinu ay sidaasi tahay waan tufay iyada iyo dhex dhexaadnimadeeda..Nabi Muxamad صلى الله عليه وسلم  iyo Baadarina dhex dhexaad kama ihi…dhanka diinta ayaan jiraa..waliba xeerkiina waa ku tumaneyna..


Maalinkaasaas ka quustay saxaafadda dhex dhexaadka ah..waxaana aaminsanahay dhalinyarada ku daatay Idaacadaha waalan ee Xamar in aaney wanaag adduun iyo mid Aakhira ku heysan.

 

Qore/ Jibriil Nuur Yuusuf/ safxadda Facebook

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy