Moqokori oo loo aqoonsaday degmo kamid ah Gobolka Hiiraan.
Maamulka Islaamiga ah ee Wilaayada Hiiraan ayaa gelinkii dambe ee shalay Degmo u magacaabay Deegaanka Moqokori ee Hiraan kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday deegaankaas oo ay kasoo qayb galeen nabadoono, gacansato, Culimo iyo masuuliyiin ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Hiiraan Sh.Yuusuf Cali Ugaas oo ka mid ahaa masuuliyiintii goobjooga ka ahaa munaasabada ka dhacday Moqokori ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya Deegaanka Moqokori loo aqoonsan doono inay tahay Degmo, kadib markii loo dhamaystiray dhamaan adeegyadii degmooyinka lagu yaqaanay sida xarumihii maamulku ku shaqayn lahaa, Ciidamo Xisba ah oo u gaar ah, Xafiisyada Dacwada, Garsoorka iyo goobo waxbarasho iyo Caafimaad intaba.
" Waxaan galabta hadii uu Allaah ogolaado meeshaan ka iclaaminaynaa in deegaankaan aan garanayno ee Moqokori uu wixii maanta ka dambeeya yahay Degmo ka mid ah degmooyinka Wilaayada Islaamiga ah ee Hiiraan, Ilaahay SW baana ku mahadsan arintaas iyada ah " ayuu yiri Sh.Yuusuf Cali Ugaas.
Sh.Yuusuf Cali Ugaas ayaa sheegay inay calaamadeeyeen deegaanada hoos imaanaya Degmada Moqokori ee kusoo biirtay Degmooyinka Hiiraan, isla markaana daris la noqonaysa degmooyinka kala ah Maxaas iyo Buula-burde ee isla wilaayada Hiiraan, wuxuuna kula dardaarmay dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan Moqokori inay sii kordhiyaan kaalintooda muuqata ee ay kaga jiraan Difaaca Diinta Islaamka iyo Dhulka dadka Muslimiinta ah.
Ugu dambayntii dhamaan qaybihii bulshada ee kasoo qayb galay munaasabada ayaa si diiran usoo dhaweeyay magacaabista Degmada Moqokori iyagoo ku tilmaamay inay tahay tilaabo horumar leh oo degmada iyo tuulooyinka ku xeeran u horseedi doonta isku-fillaansho dhanka nolosha ah, waxayna ballan qaadeen inay ku dadaali doonaan inay la tartamaan degmooyinka kale ee Wilaayada Islaamiga Hiiraan.
SomaliMeMo
Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
