Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Shacab Rayid ah oo Beled-weyne lagu dilay.

Written by Maamul on .

somalimemo.netFaah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo iyo dilal maanta ka dhacay magaalada Beled weyne ee xarunta Hiiraan.

Wararka ka imaanaya magaalada Beled weyne ayaa sheegaya in qarax weyn saaka magaalada lagula eegtay kolonyo katirsan ciidanka gumeysiga Itoobiya.

Ugu yaraan 5 Askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhimatay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Beled weyne.

Bariga magaalada  Beled weyne oo ah goobta cadawga lagu beegsaday waxaa maanta duhurkii ka dhacay toogasho ay cadawgu ugeysteen shacab rayid ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in 4 qof oo shacab ah ku shahiideen rasaas ay ciidanka amxaarada ku fureen shacabka rayidka ah.

Cadawga Itoobiya ee qabsaday magaalada Beled weyne ayaa wajahaya iska caabin xoogan oo uga imaanaysa shacabka Soomaaliyeed ee gumeysi diidka ah.

SomaliMeMo
Muqdisho

admin@somalimemonet
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it