Waaliga Hiiraan oo Wareysi bixiyay iyo Qaraxyo Caawa Muqdisho ka dhacay.
Waaliga Wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda wilaayadaasi kadib duulaan ay kusoo qaaday dowladda gumeysiga Itoobiya.
Sheekh Yuusuf Cali Ugaas waaliga Hiiraan oo Caawa wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa sheegay in xaalada wilaayada ay wanaagsantahay islamarkaana ay shacabka ku dhaqan wilaayada isku diyaariyeen ladagaalanka cadawga.
Sheekh Yuusuf ayaa soo hadal qaaday waxa wilaayada uga qorshaysan ciidanka Tigreega ee Beled weyne ku sugan wuxuuna sheegay in mujaahidiintu dul deganyihiin fariisimada cadawga.
Dhinaca kale magaalada Muqdisho caawa waxaa ka dhacay dilal iyo qaraxyo lala eegtay saraakiil iyo ciidamo katirsan DKMG ah.
Qarax ka dhacay Suuq Boocle waxaa lagu dilay in kabadan 3 Askari oo katirsan ciidanka DKMG ah, saraakiil katirsan PS-ta ayaa iyana lagu dilay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
