Howlgal Khaas ah oo Xalay ka dhacay Baar Ubax.
Ciidamada wilaayada Islaamiga Banaadir ayaa xalay weeraro culus ku qaaday saldhigyo ay gudaha magaalada Muqdisho ku lahaayeen maleeshiyaadka DKMG ah.
Xalay fiidkii ayay ciidan si gaar ah u tababaran weerareen isgoyska Baar Ubax ee degmada Hodon oo kamid ah meelaha ay sida aadka ah ugu xooganyihiin maleeshiyaadka TFG.
Dagaal saacad qaatay ayaa dhaxmaray ciidamada muslimiinta iyo kuwa cadawga intii uu dagaalku socday ayay muslimiintu xoog ku galeen saldhigyo cadawgu ku sugnaayeen.
Rasaasta ay labada dhinac is dhaafsanayeen ayaa saameysay suuqa Bakaaraha iyo goobaha ay ku suganyihiin saraakiisha DKMG ah.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xoogagii weerarka qaaday ay si nabad gelyo ah dib ugurasho uga sameeyeen Baar Ubax.
Dhinaca kale dagaallo culus ayaa xalay ka dhacay Isgoyska Ex.control Afgooye iyo degmada Dharkeynleey ee magaalad Muqdisho.


