Sarkaal ka tirsan Afrikaanta oo loo heysto inuu dilay askari kale kana cararay hubkiisii.
Maxkamad ku taalla dalka Uganda ayaa billowday qaadista dacwo ka dhan ah taliye horin ka mid ahaa Ciidamada Uganda kaasi oo magaalada Muqdisho dil ugu geystay askari ka tirsan Afrikaanta xilli ay dagaallo xoogan heysteen Afrikaanta.
Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya sababta taliye horin Samuel Katwesigye uu u dilay askari kale, iyadoona la tilmaamayo in falkaasi uu bishii Febraayo ka dhacay Muqdisho xilli dagaal lagu soo qaaday xarun ay leeyihiin Ciidamada Afrikaanta ah.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale loo heystaa in uu ka cararay agabka dagaalka, iyadoona kiiska sarkaalkan uu muran weyn ka dhex dhaliyay Taliska Ciidamada Afrikaanta ah ee ka dagaalamaya magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka kala socda dalalka Uganda iyo Burundi.
Marar badan ayay dhexdooda askar iska dileen Ciidamada Afrikaanta ah iyadoona taasi ay u sii dheer tahay is riix riixa ka dhaxeeya Ciidamada Burundi iyo kuwa Uganda, waxaana Ugaandheesku ay ilaa hadda xabsiga Mujaahidiinta ku eeganayaan askari Burundi ah oo sanadkii hore lagu qabtay dhismaha Gaashaan dhigga.
