Qarax weyn oo gilgilay gudaha magaalada Dhuusamareeb.
Qarax weyn oo Istish-haadi ah ayaa goordhaw ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud oo maalmahan ay shirar ku lahaayeen saraakiil Itoobiyaan ah iyo Xildhibaano TFG katirsan.
Warar hordhac ah waxay sheegayaan in qaraxa oo Istish-haadi Naf hurnimo ah loo maleynayo ay ku dhinteen Xildhibaano iyo saraakiil uu kamid yahay Xildhibaan Seeraar.
Saxafiyiin Galguduud ku sugan waxay soo sheegayaan in goobta qaraxu ka dhacay ay xiligaasi ku sugnaayeen saraakiil Itoobiyaan ah iyo xildhibaano waxayna qorshaynayeen dhismaha maamul gobaleed Itoobiya raacsan oo Galguduud ka hana qaada.
Khubarada arrimaha Amniga qaabilsan ayaa sheegaya in weerarkan uu yahay Camaliyad Amni oo fashilinaysa Itoobiya iyo xaabadeeda marka loo eego waqtiga lala eegtay howlgalkan
ciidamada Itoobiya ayaa dhawaan isku soo maqiiqay Ceelbuur maalmo kadib ayay la kulmeen weeraro heer ay ka caagaan isticmaalka wadada isku xirta Dhuusamareeb iyo Guriceel.
Lasoco wixii soo kordha
