Sheekh Cali Dheere “ Kuwani diin xittaa haddii ay ka tageen dadnimadoodii aaway?”

Written by Maamul on .

somalimemo.netAfhayeenka Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay masiirka khawanada iyo dabadhilifyada Somalida ah ee la baxay DKMG ah kuwaasi oo uu sheegay in uu dulleysanayo Augustine Mahigaha QM.

 


Sheekh Cali Dheere oo la hadlayay Idaacadda Andalus ayaa tilmaamay in kooxaha DKMG ah oo mar horeba ka xuubsiibtay diintoodii in haddane ay dadnimadoodii ka tageen ayna aqbaleen sidii xoolaha oo kale in loo raacdo oo hadba meeshii la rabo loo jeediyo.

 


“Kuwani xittaa haddi diintoodii ay ka tageen..Somali waxaa lagu aqoon jiray dad anafo leh oo dadnimo leh oo aan gumeysi aqbalin..maanta waxaa maamula Mahiga oo ah dulli Afrikaan ah hadba meeshi uu doono ayuuna u kaxeeyaa..wixii uu doono ayuuna amar kaga soo saaraa meesha uu degan yahay” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

 


Maalmahan ayaa gudaha DKMG ah waxaa ka taagan muran xoog leh iyo isqabqabsi la xiriira Dastuurka loo soo dajiyay DKMG ah, waxaana siyaasiyiin diidan mashruucaasi loogu goodiyay tallaabo in laga qaadi doono, arrinkaasi oo xaaladda sii murjiyay.