Sheekh Xasan Daahir Aweys "Waxaa lajoogay Waqtigii qabaa'ilada Soomaaliyeed Taariikhda Baal Dahab ah ka geli lahaayeen".

Written by Maamul on .

somalimemo.netSheekh Xasan Daahir Aweys oo kamid ah hoggaanka mujaahidiinta Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah ku guubaabiyay sii wedidda dagaalka jihaadka ah ee cadawga looga difaacayo dalka Somaaliya.



Sheekha oo Boqolaal dadweyne muslimiin ah kula hadlay masjid ku yaalla degmada Lafoole ayaa ku hanjabay in mujaahidiinta Soomaaliya ay sii ballaarin doonaan dagaalka ay kula jiraan cadawga saliibiga ah.


Wuxuu si kulul u weeraray dastuur gaaleedka ay cadawga saliibiga ah usoo sameeyeen DKMG ah wuxuuna sheegay in ficilada TFG iyo Mahiga ay muujinayaan cadaawada ay u qabaan diinka iyo dalka.


Sheekh Xasan Daahir wuxuu uga digay shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah in aysan ku kedsoomin dastuurka  xaaraanta ah ee laga abaabulayo magaalada Muqdisho.



Mar uu soo hadal qaaday halka uu marayo dagaalka Jihaadka Soomaaliya wuxuu sheegay in mujaahidiinta ay marxaladdii ugu wanaagsaneed marayaan ayna ku sabrayaan dhibka uga imaanaya cadawga.



Sheekh Xasan wuxuu cadawga ugu bishaareeyay in Xabaddu kusii socan doonto illaa ay isaga baxayaan dalka Soomaaliya wuxuuna lahjad kulul kula hadlaya kuwa Oranaya hawada hadlaano AMISOM iyo Mujaahidiinta Soomaaliya.



Ugu dambeyntii Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa baaq udiray beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan Hawiye,Daarood,Digil iyo Mirifle in ay kasoo baxaan kaalintooda ku aadan difaaca diinka iyo dalka wuxuuna sheegay in waqtigan uu yahay waqtigii ay qabaa'ilado taariikhda baal dahab ah ka geli lahaayeen.



This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy