Axmed C/Salaam oo xaaladdiisa laga deyrinayo iyo Itoobiya oo diiday Jarmalka in loo qaado (Xog Muhim ah).
Ilo wareed masuul ah oo ku sugan gudaha magaalada Adis Ababa ayaa u xaqiijiyay shabakadda SomaliMeMo in siyaasiga Axmed C/Salaam Xaaji Aadan ay la soo gudboonaatay xaalad aad u liidata ka dib markii xalay dhaqaatiirta Itoobiya ay ku fashilmeen qaliin muddo saacado qaatay oo dhanka caloosha looga sameeyay.
Qaliinkaasi oo la sheegay in ay isugu tageen dhaqaatiirta ugu muuqata gudaha dalka Itoobiya ayay ku guul dareysteen in caloosha ay ka soo saaraan firiro aad kaga buuxa kuwaasi oo xiidmada qaarkood jarjaray, taasi oo gelisay Axmed C/Salaam xaalad aad u liidata.
Warar ayaa sheegaya in Dhaqaatiirta Itoobiya ay sheegeen firirada qaarkood in ay soo qaban waayeen sababo ku aadan maaddo sun ah oo ku jirta jirka sarkaalkaasi, iyadoona ay tilmaameen in ay haboon tahay xog dheeraad ah in laga helo maadooyinkii ay Al-shabaab ka soo sameeyeen qaraxa uu ninkaasi ku dhaawacmay.
Ehellada Axmed C/Salaam oo ay ka dhex muuqatay Filastiin Axmed Xaajidii ayaa gaaray gudaha magaalada Adis Ababa, waxaana marki qaliinku xalay fashilmay ay ka dalbadeen dawladda Itoobiya in Axmed C/Salaam ay reerihiisa ku soo wareejiso si loogu qaado dalka Jarmalka.
Warar ayaa sheegaya in dawladda Itoobiya ay tallaabadaasi ku gacan seyrtay iyadoona ilaa hadda aan la ogeen sababta ay ku diideen dalabka ehelka ninkaasi, waxaana la sheegayaa in hadda xaalad murugsan ay ku jiraan qaraabada Axmed C/Salaam.
Ka sokow caloosha firirada ay jarjareen..waxaa Axmed C/Salaam uu si buuxda u waayay mid ka mid ah indhihiisa iyadoona isha kale ay dhiigeyso sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhaw dhaw qaraabadiisa.
Ehellada Axmed C/Salaam ayaa xiriir la soo sameeyay maanta shaqsiyaad ka tirsan Mujaahidinta iyagoona si naxariis leh u weydiinayay bal Xarakadu in ay u sheegto maadooyinkii laga soo sameeyay qaraxii Dhuusamareeb, arrinkaasi oo ay ku gacan seyreen dadkii la soo wacay.
Axmed C/Salaam ayaa mar wasiirka warfaafinta ka soo noqday DKMG ah, waxaana uu kaalin weyn ku lahaa dilkii Allaha u naxariistii Macalin Aadan Xaashi Cayrow oo duqeyn Dhuusamareeb ka dhacday ay ku dileen Mareykanka, iyadoona dhawaan Axmed iyo rag kale ay socdaalo ku marayeen Wilaayada Galgaduud si ay kaga sameeyeen waxa loogu yeeray maamul goboleed hoos tagi lahaa dawladda Itoobiya.
