Dagaal Oogayaasha Beesha Hawiye Oo Mahiga iyo Faroole Eedeeyay (Warbixin).
Siyaasiyiinta beesha Hawiye ee ku jira DKMG ah ayaa weli wada dagaal dhanka warbaahinta ah oo ay isaga difaacayaan cadaadiska uga imaanaya Mahiga Ergayga Q.Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya.
Yuusuf Indho Cadde iyo Salaad Cali Jelle oo katirsan dagaal Oogayaasha Muqdisho ayaa sheegay in dastuurka cusub uu liddi ku yahay beesha Hawiye islamarkaana aan looga dhaqmi doonin deegaanada ay beeshaasi degto.
Indho Cadde oo dad badan kula hadlayay mid kamida Hoteelada Mudisho ayaa Afka furtay isagoo qaab beeleed u diiday dastuurka wuxuuna Mahiga ku Eedeeyay in uu cadaawad gooni ah u hayo beesha Hawiye.
"Dastuurkan ma waafaqsana dhaqanka Soomaaliyeed anigu sheekh ma ihi laakin culimada ayaa iisheegay in uu liddi ku yahay shareecada Islaamka, beesha Hawiye ma aqbali doonto in sanka lageliyo siyaasadda Mahiga"ayuu yiri Dagaal Ooge Indho Cadde.
Salaad Cali Jelle iyo siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa iyana xumaanta Dastuurka cusub u rogay caadifad qabiil "Dastuurkan xun-ka ah waxaa lagusoo sameeyay deegaanada Puntland Faroole iyo Mahiga ayaa iska kaashaday in ay beesha Hawiye cuuryaamiyaan" sidaasi waxaa yiri cabdullaahi Sheekh Xasan.
Indho Cadde oo Afka Furtay
Dagaal Oogayaashan katirsan DKMG ah ayaan dastuurka cusub u diidaneyn qaab diimeed balse waxay aaminsanyihiin in Roadmapk-a uu dhulka lagelayo siyaasiyiinta Hawiye.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
