Diyaarad Itoobiya ay leedahay oo Meydad Iyo Dhaawacyo ka qaaday Ceelbuur
Duhurnimadii Maanta ayaa ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ay soo xiganeyso shabakadda wararka Somalimemo ayaa waxay noo xaqiijiyeen in Magaalada Ceelbuur oo dhawaan ay qabsadeen ciidanka xabashida Itoobiya ay ka dagtay diyaarad Helikobtar ah si halkaasi looga daabulo dhaawacyada iyo meydadka askartii xalay ku waxyeelowday dagaal ka dhacay magaaladaasi.
Dadku waxay noo sheegeen inta diyaaraddu aysan tagin magaalada in gaadiid ciidanka Itoobiya ay leeyihiin lagu sii dhaweeyay dhaawacyada iyo Meydadka si ay u fududaato qaadistooda waxaase dadku ay xaqiijiyeen in ay arkayeen gaadiidka oo dhowr jeer u kala noqonayay qaadidda askartaasi.
Tirada rasmiga ee laga helayo askartasi laga qaaday Ceelbuur ayaa wararku waxay sheegayaan in kor ay u dhaafayaan 30 askari oo isugu jira dhimasho Iyo dhaawac waloow warar kale oo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in 50 ay ku dhawdahay askartaasi la qaaday
Liibaan Cabdi raxmaan oo ah wariye ka tirsan idaacadda Andalus oo ku sugan Galgaduud ayaa soo sheegay in diyaaraddu ay ahayd midda ay isticmaalan Milatariga muddo 40 daqiiqo ahna ay ku sugneyd magaaladaasi waqtigaas oo ay socotay daabulidda askarta xabashida ee lagu laayay dagaalkii xalay
Waa askartii ugu badneyd ee Itoobiya looga dilo Ceelbuur tan iyo intii ay ku soo duuleen waxaana dagaalkii xalay oo faah faahin laga helayo ay sheegayaan in xeryaha loogu daatay xabashida taas oo sababtay in durba maanta ay Ceelbuur ka degto diyaarad loogu tala galay qaadidda askarta Amxaarada Itoobiya


