War deg deg ah :Qarax ka dhacay Degmada dharkeynleey.

Written by Maamul on .

somalimemo.netDaqiiqado ka hor ayaa warar lagu kalsoonyahay oo laga helayo xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeynleey waxay sheegayaan in qarax xoogan laga maqlay goob isbaaro ah oo maleshiyaadka dowladda u tiilay xaafaddaasi Xoosh.


Qaraxa ayaa ilaa iminka aan la garaneyn waxa uu yahay waxaana qasaare xoog leh uu ka soo gaaray maleeshiyaadkii isbaarada ku sugnaa ee dadka ku dhibaateyn jiray iyadoo dad goob joogayaal ah ay xaqiijiyeen marka qaraxa uu dhacay kadib in rasaas badan la maqlay.


Ilaa imika waxaan la xaqiijin Karin qasaaraha dhimsho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkaasi qaraxa ah waxana wararku ay intaasi ku darayaam in isbaarada la weeraray lagu dhibaateyn jiray dadka maalmihii u dambeeyay cabashada dadka ee isbaaradaasi ay kordheysay.

 

Weerarada ceynkani oo kale ah ayaa inta bada ka dhaca degmooyinka magaalada Muqdisho iyadoona ay sababeen firxadka maleeshiyaadka inta badan isbaarooyinka u dhigta shacabka Muqdisho.


Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy