Dagaal culus oo goordhaw ku soo gaba gaboobay Qansaxdheere Iyo faah faahin laga helayo dagaalkaasi…

Written by Maamul on .

somalimemoWixii ka dambeeyay 08:30 ee caawa ayaa mar qura degmada Qansaxdheere ee ka tirsan Bay Iyo Bakool waxaa laga maqlay dagaal culus oo daafaha magaalada is qabsaday kaasi oo ay qaadeen ciidanka Muslimiinta


Weerarka ayaa ku bilowday madaafiicda cul culus ee garbaha raga rido iyadoo ay xigeen rasaasta ka dhacda qoryaha daran dooriga u dhaca kuwaasi oo mujaahidiintu ay ku shubayeen difaacyada ciidanka xabashida Itoobiya oo ahaa hadafka werarka


Ku dhawaad saacad oo dagaalku uu socday ayaa sida aanu ku xaqiijinay warka ciidankii weerarka magaalada ku galay waxay durba la wareegeen qeyb ka tirsan magaalada oo ay baneeyeen ciidanka xabashida oo dhankooda adkeysanayay difaacyada.


Inta uu socday dagaalka ayaa gantaaladii la isweydaarsanayay waxay ku dhaceen mid ka mid ah gaadiidka dagaalka amxaarada halkaasi oo wararka qaarkood ay sheegayaan in uu goobta ku basbeelay..


Sidoo kale Idaacadda Andalus oo caawa war ka tabineysay dagaalkaasi ayaa sheegtay in guri ay daganaayeen rag saraakiil ah oo ku yaala degmadaasi la weeraray kaasi oo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay weerarkaasi daba socday dagaalka ku soo idlaaday degmada Qansaxdheere


Dadka deegaanka oo xiriirrno aan la sameynay ayaa noo sheegay in duqeyn magaalada ay ku socoto kuwaasi oo ay wadaan ciidanka Itoobiya oo dhinac kaga sugan magalada balse ilaa imika lama oga duqeynta ciidanka itoobiyaanka ay ka geysanayaan isla magaalada ay iyagu dhinaca kaga suganyihiin


Wixii warar ah ee ka soo kordha dagaalkaasi iyo qasaaraha ka dhashay dib ayaan idinkugu soo gudbin doonaa