Suldaan Buube "Waa layga Been abuurtay Mategin Shirka Dastuurka lagu Ansixinayo Waa Ikanaa Owdheegley ayaan joogaa" Dhagayso..

Written by Maamul on .

somalimemo.netSalaadiin katirsan Beelaha Soomaaliyeed oo magacyadooda lagu buuxsaday shir ku sheegga lagu ansixinayo Dastuur gaaleedka ayaa beeniyay in ay qeyb ka yihiin Odayaasha xeryaha AMISOM lagu kulmiyay.

Shir Jaraa'id oo ay magaalada Awdheegle ku yeesheen Salaadiinta Beesha Bagadi iyo Gibil cad ayay ku sheegeen in wax lug ah aysan ku laheyn shirka ka socda Muqdisho ee Mahigga soo qaban qaabiyay.

Suldaan Buube Suldaan Cabdalle Buube oo ah Ugaaska beesha Bagadi ayaa saxaafadda Islaamiga ah kula hadlay Awdheegle wuxuuna wax lala yaabo ku sheegay in magaciisa lagusoo daro Liiska Odayaal ka qeyb qaadanayay Dastuur gaaleed!!.

Suldaan Buube wuxuu shacabka Somaaliyeed ee Muslimka ah u sheegay in uusan ka bixin xeyndaabka Islaamka islamarkaana uu Alle ka megen gelayo ka qeyb galka Dastuur xaaraan ah.

"Been ayay iga faafiyeen Magaceyga ayay kusoo dareen liiska taleefan aanan laheyna way ku qorteen shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah waxaan u sheegayaa in aniga iyo Beesheyda aanan ku lug laheyn Dastuur gaaleedka"ayuu yiri Suldaan Buube.

Suldaankan laga been abuurtay ayaa Liiska Mahiga uga jira Namberka 27-aad ee Beesha Digil iyo Mirifle, sidoo kale Cusmaan Axmed Cabdi oo degmada Afgooye kasoo jeeda ayaa laga been abuurtay.

HALKAAN KA DHAGAYSO SULDAAN BUUBE

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy