Dagaallo Waqti badan oo qaatay oo ka dhacay Duleedka Ceelbuur.
Dagaallo saacado badan qaatay ayaa maanta Gobolka Galguduud ku dhaxmaray ciidamada muslimiinta iyo kuwa gaalada Itoobita.
Wararka nagasoo gaaraya Ceelbuur ayaa sheegaya in 12-kii saacadood ee lasoo dhaafay ay dhaceen dagaallo qaraar.
Dagaalada waxaa marna qaadayay ciidamada Jabhadaha wilaayada islaamiga Galguduud marna dadka deegaanka oo is abaabulay ayaa Amxaarada hubka ka furanayay.
Saraakiil ayaa SomaliMeMo u sheegay in weeraro kamiin ah lala eegtay ciidanka Amxaarada waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo cadawga Gumeysiga Itoobiya gaaray.
Illaa 6 mar ayay dagaaladu ka dhaceen wadada isku xirta Wabxo iyo Ceelbuur, ciidanka Itoobiyaanka ayaa la sheegay in ay Meydad uga cararaan Dac iyo Dabqurun.
SomaliMeMo
Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
