2 Sarkaal oo galabta lagu khaarijiyay gudaha magaalada Boosaaso.

Written by Maamul on .

somalimemo.netWararka naga soo gaaraya gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in galabta gudaha magaaladaasi lagu khaarijiyay 2 sarkaal muhim ah oo lagu sheegay kuwo maamulka Puntland u kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah Mujaahidiinta Buuraha Golis.


Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay dad ku suga gudaha magaalada Boosaaso ayaa inoo xaqiijiyay in rag bastoolado ku hubeysan ay si isku mid ah u toogteen labada sarkaal oo magacyadooda lagu kala sheegay Mijir Xasan Gurxan iyo Cali Biibi Gurxan.


Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in raggaasi ay mudooyinkii u danbeeyay wadeen abaabullo dagaal ka dhan ah Mujaahidinta Buuraha Golis, iyadoona ay wadeen qorshayaal ay maleeshiyad beeleedyo isugu uruursanayaan iyagoo taageero buuxda ka helaya Maamulka Faroole.


Wararku waxey intaasi ku darayaan in dilka raggani ee galabta dhacay uu waji gabax ku noqday maamulka Faroole iyadoona maleeshiyaadka Ashahaada la dirirka ah ay ku hungoobeen dagaallada ka dhanka ah Mujaahidiinta deegaankaasi ee dhawaan sida tooska ah kaga midka noqday Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.