Magaalada Stockholm ee dalka Swedan oo looga dhawaaqay Golaha Midnimada Soomaaliyeed. (DAAWO)
Magaalada Stockholm xarunta dalka Swedan ayaa lagu soo gabagabeeyey Shirweyne Balaaran oo muddo laba maalmood ah ka socday ayada oona halkaas lagu doortay Gole ka shaqaynaya Midnimada Soomaliya.
Shirkan oo ay iskugu yimaadeen Aqoonyahno, Siyaasiyiin, Culumaa'udiin, Ganacsato iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa mudadii uu socday waxaa looga dooday sidii ay umadda Soomaaliyeedi ku gaari lahayd midnimo dhamaystiran.
Shirka ayaa inta uu socday waxaa sidoo kale looga hadlay dhibaatooyinka kala gadisan ee ka jira dalka Soomaliya, waxaana falanqayn dheer ka dib ergadu isla garteen in dhibaatada taagan looga bixi karo midow balaaran oo ay gaaraan bulshada Soomaaliyeed
Gabagabadii shirka ayaa ergadii shirku waxa ay isku raaceen in la sameeyo Golaha Midnimada Soomaaliyeed waxaana si rasmi ah halkaas looga dhawaaqay labo Gole oo uu yeelanayo Goluhu.
Aqoonyahan Yaasiin Baynax ayaa Goobta ka akhriyey magacyada madaxdii lagu doortay halkaas waxana uu sidoo kale xusay magacyada Mas'uuliyiinta cusub iyo Xiilalkooda.
Gudoomiyaha Gudiga Fulinta: Sheikh Ing: Cumar Maxamed Maxamuud Aftooje
Gudoomiye Kuxigeenka Gud/Fulinta: Gen Jaamac Maxamed Qaalib
Gudoomiyaha Golaha Dhexe: Dr Zakariye Xaaji Maxamed
Gudoomiye kuxigeen Golaha Dhexe: Maxamud Ducaale Wiish
Xoghayaha Arimaha Dibadda: Cabdi Maxamuud Naasir
Kuxigeenka Xoghayaha Arimaha Dibadda: C/Caziiz Cabdi Ashkir
Xoghayaha Arimaha Qorshaynta: Ducaale Ciise Yuusuf
Xoghayaha Arimaha Bulshada iyo Jaaliyadaha : Yaasmiin Jirdde
Xoghayaha Hantidhowrka: C/llaahi Cabdi Faarax Sujuud
Xoghayaha Maaliyadda: Cumar Maxamed Cali (Cumar Shukri)













