Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo saaka Milatariga Kenya lagula eegtay Mandheera.

Written by Maamul on .

somalimemo.netWararka naga soo gaaraya magaalada Mandheera ee dalka Kenya ayaa sheegaya in saaka qarax weyn uu magaaladaasi ku qabsaday gaari ay lahaayeen Ciidamada Milatariga dalka Kenya ee duulaanka ku soo qaaday dalka, kuwaasi oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxaasi.


Ilo wareed masuul ah ayaa u sheegay SomaliMeMo in qaraxaasi uu qabsaday gaari nuuca Towyada ah ee ciidamada Kenya xilli uu marayay Xaafadda Buulo Jineefo ee gudaha Mandheera waxaana la arkay gaariga oo gabi ahaanba qaraxaasi ku burburay.


Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ay soo gaartay Ciidamada Kenya isla markaana ay xireen goobta lagu qarxiyay iyagoona bilaabay dadka meelaha ka ag dhaw in ay qab qabtaan sidiin caadadooda aheyd.


Tan iyo bishii October ee sanadkii hore markii Ciidamada Kenya ay soo weerareen dalka ayaa waxaa gudaha Kenya ka dhacayay qaraxyo xiriir ah oo Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab ay sheegeen masuuliyaddooda in ay dusha ridaneyso xukuumadda Kenya ee xadgudubka billowday.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy