Abu Muscab “ Wacad baan ku mareynaa markasta oo ay dhaqaaqaan dhimasho iyo dhaawac in ay la kulmaan”.
Afhayeenka Ciidamada Mujaahidiinta Somaliya Sheekh C/Caziiz Abu Muscab oo ka hadlay weerarkii shalay lagu dili rabay Shariif Sh Axmed ayaa wacad ku maray kolonyada cadowga ee adeegsaneysa wadooyinka badan ee Muqdisho iyo banaankeeda in ay baacsan doonaan.
Sheekh Abu Muscab ayaa sheegay in ballan ay ku galeen Mujaahidiintu beegsashada kolonyada cadowga ee sida gaarka ah u adeegsata wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, halkaasi oo aheyd goobti lagu dili lahaa Shariif Sh Axmed.
“Waxaa ballan ah in markasta oo ay soo dhaqaaqaan dhimasho iyo dhaawac ay noqon doonaan, wadadaasina waxey ku noqotay meel naar ka booddo ah” ayuu yiri Sheekh Abu Muscab.
Hadalkan wuxuu ka danbeeyay shalay markii kolonyo baabuur ah oo galbineysay Shariif Sh Axmed ay Mujaahidintu kamiin culus u dhigeen isla markaana uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo Shariif uu badbaaday.
