Qarax ay Saraakiil Puntland ka tirsan ku dhinteen oo Waqooyiga Gaalkacyo ka dhacay.

Written by Maamul on .

somalimemo.netFaah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax maanta ka dhacay magaalad Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ay ka jiraan maamullo Ashahaadda ladirir ah saaxiibana la ah dowladda gumeysiga Itoobiya.

Wararka nagasoo gaaraya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijinaya in halaag daran uu gaaray maleeshiyaad katirsan maamulka Ashahaadda la dirirka Puntland,qaraxa ayaa yimid kadib markii ay ciidanka Faroole isku dayeen in ay bixiyaan Miino ku aasneed xaafadda Garsoon ee waqooyiga Gaalkacyo kadibna waxay ku qaraxday ciidankii isku dayayay in ay kala furfuraan Miinada.

Saraakiil u hadashay maamulka Ashahaadda ladirirka Faroole ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dhimashada ciidankooda ay gaartay 8 Askar iyo dhaawac kabadan 18 qof.

Jugta qaraxa ayaa siweyn looga maqlayay magaalada Gaalkacyo dhankeeda waqooyi, goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in ay arkeen Meydad go'go'ay oo ay Booliska Puntland kasoo aruurinayaan hareeraha saldhigga Booliska.

Ilo wareedyo laga helay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in saraakiisha dhaawacantay oo afar sarkaal ah ay kamidyihiin taliyihii Booliska Gaalkacyo iyo booliska qeybta Mudug.

Jawiga Gaalkacyo ayaa saacadihii lasoo dhaafay ahaay mid jiha wareersan waxaana jirtay toogasho ay maleeshiyaadka Faroole ka geysteen xaafadda Garsoor ugu yaraan Hal qof oo dumar ah ayaa ku dhimatay rasaasta ay fureen ciidanka cadawga.

Xaafadda Garsoor ee weerarku ka dhacay ayaa bilihii lasoo dhaafay aheyd mid degan waxayna xaafadaasi caan ku tahay iska caanbinta maamulka Ridada ah ee Faroole madaxda ka yahay.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it