Dagaal barqadii ka qarxay gudaha degmada Afgooye.
Dagaal la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ka qarxay barqanimadi maanta gudaha magaalada Afgooye, iyadoona wali gudaha degmada Afgooye ay ka taagan tahay xiisad colaadeed oo ka danbeysay dagaalkaasi.
Sida ay sheegayaan dadka goobjoogayaalka ah waxaa dagaalkaasi uu ka dhacay Koontaroolka laga soo galo degmada Afgooye ee dhanka Muqdisho halkaasi oo ay isku hardiyeen laba maleeshiyaad oo ka wada tirsan DKMG ah.
Maleeshiyaadka oo hab beeleed u kala jabay ayaa iska dilay ilaa 5 askari oo labada dhinac ah ka dib markii lagu murmay lacago baad ah oo ay ka bilaabeen in ay Koontaroolka Baar Ismaaciil kaga qaataan gaadiidka dadweynaha ee adeegsanaya halkaasi.
Gudaha magaalada ayaa hadda waxaa ka taagan xiisad colaadeed iyadoona is hub uruursi ay wadaan labada maleeshiyaad ee hardamay, waxaana ay tani ku sii biireysa xaaladaha amaa darri ee Afgooye ka taagan wixii ka danbeeyay markii ay magaaladaasi qabsadeen cadowga.
