Dagaal culus oo xalay Ciidamada Kuffaarta iyo Mujaahidinta ku dhexmaray Xerada Maslax.
Ciidamada Mujaahidiinta Wilaayada Banaadir ayaa xalay saqdii dhexe weerar xoog leh ku qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Afrikaanta oo ku sugnaa Xerada iyo hareeraha Maslax ee duleedka degmada Heliwaa, iyadoona daryanka madaafiicda si weyn xalay loo maqlayay.
Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa sheegay in dagaalkaas oo saacado soconayay ay ku beegsadeen Ciidamada cadowga ee dagan afaafka iyo gudaha Xerada Maslax, waxaana ay si ba'an Afrikaantu u ridayeen madaafiicda.
Lama sheegi karaayo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, waxaase uu ka mid noqonayaa dagaallada xiriirka ah ee Muqdisho ka curtay maalmihii u danbeeyay kuwaasi oo lagu beegsanayay fariisimayaalka cadowga ay ku leeyihiin gudaha Muqdisho.
Habeen hore ayay aheyd markii Ciidamada Mujaahidiinta ay weerareen guriga guddoomiyaha iyo saldhigga Heliwaa iyadoona halkaasi ay ka kala firxadeen maleeshiyaadka dabadhilifka u ah Afrikaanta iyana wakiilka ka ah reer galbeedka.
