Faah faahin ku aadan qarax weyn oo xalay ka dhacay magaalada Baydhabo.
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa khasaaraha ka dhashay qarax weyn oo xalay ka dhacay gudaha magaaalada Baydhabo, kaasi oo lagu beegsaday maleeshiyaadka DKMG ah ee Somaliya.
Qaraxa oo xalay dhacay ayaa lagu beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo la sheegay inay la socdeen saraakiil ka tirsan DKMG ah ee Somaliya waxaana la xaqiijiyay in dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray cadowga.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in cusbitaalka magaalada la gaarsiiyay dhaawacya liita oo maleeshiyaadka ah, iyadoona saaka ay maleeshiyaadku gaaf wareegayaan xaafadaha magaalada Baydhabo.
Weerarada ka dhanka ah maleeshiyaadka DKMG ah ee qarxinta iyo baacsiga isugu jira ayaa inta badan ka dhacaya deegaanada ay cadowgu qabsadeen, waxaana ay taasi keentay in dhaq dhaqaaqii cadowga uu meesha ka baxo.
