Hoos u dhac ku yimid qeybaha kala duwan Ganacsiga Magaalada Muqdisho.

Written by Maamul on .

somalimemo.netHoos u dhac ayaa ku yimid qeybaha kala duwan ganacsiga Suuqyada Magaalada muqdisho wixii ka dambeeyey markii dib ugu soo laabtay caasimada Magaalada dadkii horay uga barakacay.

Suuqyada Bakaaraha, Suuq Bacaad iyo Suuqyo kale oo horay u ahaa Suuqyada ugu dhaqdhaqaaqa iyo ganacsiga wanaagsanaa Magaalada Muqdisho intii Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ay gacanta ku heysay ayaa hadda ah mid laga dayrinayo ganacsiga kala duwan ee ka jira Suuqyadaasi.

Ganacsiga ka jira Suuqyadaasi oo isugu jira Dharka, Dawooyinka, Bagaashka, Cunooyinka kala duwan ee qutul daruuriga ah iyo Sarifka lacagaha qalaad ayaa hoos u dhac ku yimid, waxayna ganacsatadu tilmaameen in xitaa aysan awoodi Karin bixinta kirada Bakhaarada ay ku ganacsadaan.

“Waligay ma arag hoos u dhac inta la eg oo aan khasaaro ganacsiga, Suuq Bakaaraha waxa uu ahaa meel aad looga faa’iido qeyb walba oo ganacsiga ka mid ah, laakiin dib u soo laabashada kadib suuqa wax ganacsi ah kama jiraan, dadka waa kuwo dhex jooga balse faa’iido haba yaraatee ma jirto, aad baan u tabnay Suuqyadii Ceelasha iyo Bakaaraha xiligii Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin” waxaa sidaasi yiri mid ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo aan kula kulanay goobtii Ganacsiga, kana gaabsaday inaan soo xigano Magaciisa sababo la xariira Amaanka awgiis.

Si kastaba ganacsatadu waxay sheegeen haddii suuqa sidan ku sii socdo ay xirmi doonaan goobo badan, maadaama ay ku sugan yihiin khasaare ka soo gaarta dhanka horusocod la’aanta qeybaha kala duwan ee ganacsiga.

Liibaan Jeexoow
Cabdi

SomaliMeMo
Muqdisho