Sheikh Abuu Mus'ab: Mahadda Alle kadib Afar Arrimood ayaa sababtay in ciidanka Xabashida ay ka baxaan Galguduud (DHAGEYSO).

Written by Maamul on .

somalimemo.netXSHM ayaa faah faahin ka bixisay howlgallo ay ciidamada mujaahidiinta saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen wilaayaatka Islaamiga Jubbooyinka,Shabeelaha Hoose iyo Galguduud.

Sheekh C/caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidamada XSHM ayaa sheegay in ciidanka Muslimiinta ay howlgallo  ku qaadeen Afmadoow iyo Qooqaani ay ku dileen ciidamo katirsan cadawga Kenya iyo kuwa Somaalida ah ee gumeysiga Kalkaalaya.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in Shariif Sheekh Axmed uu Xalay dhegihiisa ku maqlay rasaasta mujaahidiinta oo ku dhacaysay meel uu ku dhuumanayay oo degmada Afgooye katirsan.

HALKAAN KA DHAGAYSO SHIR JARAA'ID ABUU MUSCAB

Sababaha ay ciidanka Xabashida Itoobiya uga bexeen Galguduud.

XSHM waxay soo bandhigtay sababta ay ciidanka Xabashida gumeysiga Itoobiya uga carareen degmooyinka Ceelbuur iyo Wabxo iyo deegaanno badan oo hoos yimaad isagoona Afhayeenka Mujaahidiinta sharaxaad buuxda ka bixiyay arrinkaasi.

1-Ciidanka Xabashida Itoobiya waxay soo kaxaysteen gaadiidkooda dagaalka hub culus iyo awood Milleteri oo ballaaran waxay doonayeen in ay tirtiraan awoodda Mujaahidiinta kadibna ay xoog ku heystaan dhulka ay qabsadeen balse mujaahidiinta Taaktiika ay bedeleen ayaa sababay in uu fashilmo qorshahaasi oo mujaahidiintu dagaalkii ayay ks bedeleen qaabkii hore ciidamadana waxay ka dhigeen kuwa jabhada ah oo dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah lagala cadawga.

2-Waxaa shaqeyn weysay been ay Mushrikiintu u sheegeen saraakiisha Itoobiya taasi oo aheyd "waxaad taageera ka heli doontiin beelaha deegaanka sidaasina waxaad ku maamulaysaan dhulka", warkaasi waa beenoobay qabaa'ilada Ansaarta ah ee Murusade iyo Maxamuud Hiraab ayaa difaaca diinka islaamka ku adkeystay waxayna waayeen cid ku sugnaata meelihii ay qabsadeen oo cadawga kaligiis buu ku naqday Ceelbuur iyo Wabxo,  caadiyan ciidan Ajnabi ah kaligiis majoogi karo dhul aan dhulkiisa aheyn.

3-Ciidamada Mujaahidiinta iyo dadka muslimiinta Ansaarta ah waxay ku guuleysteen in ay jaraan saadkii ciidan ee Xabashida u baahneed markii ay wadooyinka u dhigeen dhabagal dhibaata xooganna gaarsiiyay, waxaan dhihi karnaa Lojiistikada Milleteri weynteeda cadawga bixitaankiisa kaalin weyn ayay ku laheyd.

4-Masaafada ay ciidanka Xabashida Sahayda Milleteri udoontaan waa mid aad ufog magaalooyinka Shillaabo iyo Balanballe waxay isku jiraan 200KM waxayna gaadiidka sahayda qaadaysay ubaahnaadeen shidaal Itoobiya oo ah dowlad Faqri ah way awoodi weysay in ay dhaqaalahaasi bixiso waxaa kasii daran Wadada isku xirta Balanballe iyo Guriceel waa Kharash kale Wadada kale ee isku xirta Guriceel iyo Wabxo waxay uga baahantahay naf hur iyo qarash taasina waa tan ugu muhiimsan ee cadawgu uga quustay sii heysashada dhulka Muslimiinta.

Alxamdulillaah Ilaah baa mahad leh maanta dhulkii laba bil ka hor sharciga Alle lagu maamulayay dib ayay shareecadii iyo Nabad gelyadii dib uga bilaabanaysaa.


HALKAAN KA DHAGAYSO SHIR JARAA'ID ABUU MUSCAB

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy