Xaaladihii u dambeeyay ciidankii Itoobiya ee isaga cararay Magaalooyinka Wabxo Iyo Celbuur
Maalintii shalay ayay si rasmi ah ciidanka Itoobiya kaga baxeen deegaanka wabxo iyagoo aaday dhanka degaanka Guriceel kadib in muddo ah oo dagaal ay kala kulmayeen ciidanka Muslimiinta Iyo dadka deegaanka oo isgarabsanaya.
Shalay ciidankaasi isaga Baxay deegaanadaasi waxa uu gabalka ugu dhacay duleedka deegaanka Ceelgod lagu magacaabo iyagoo xalay ku hoyday goobtaasi hakiyayna socdaalkoodii iyagoo ka baqdin qaba xilliyada habeenkii ah inay weerarro kala kulmaan MUjaahidiinta.
Saaka sida warka lagu helayo ciidanka xabashida waxay isu diyaarinayaan inay u dhaqaaqaan dhanka Guriceel ayaga oo ka tagaya Ceelgod oo saaka waagu ugu baryay laakiin waloiwax dhaq dhaqaaq ah ma aysan sameyn sida dad goobjoogayaal ah ay xaqiijiyeen.
Shalay intii wadada ay ku soo jireen waxay la kulmeen weerarro dhowr ah oo loogu dhigay inta u dhaxeya Warxoolo Iyo ceelgod halkaasi oo qasaare xoogan lagu gaarsiiyay ciidanka AMxaarada iyo maleeshiyaadka Mushrikiinta ee daba socda Itoobiyaan.
Xaaladaha Wabxo Iyo Ceelbuur ayaa saaka dagan iyadoo dadku ay ku soo tooseen jawi dagan Iyo raayada towxiidka oo dul babaneysa magaalada amaankana ay sugayaan ciidanka wilaayada.
