Midowga Yurub oo ku gacan seyray Baaqii Kenya ee ka gacansiinta dagaalada Jubooyinka
Ra’isul wasaaraha xukuumadda Kenya ayaa dhawaan waxa uu ka codsaday Midowgya Yurub inay ka gacan siiyaan dagaalka Mujahaidiinta ay kula Jiraan ee ka socda wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka.
Odindga waxa uu ku calaa calay in Kenya ay u taagweysay inay si sahal ah ku qabsato magaalada Kismaayo waxaana uu intaasi ku daray In dhan waliba ay isugu dayen qabsashada Kismaayo balse waxa uu yiri waa arrin aan sahlaneyn oo u baahan taageero dheeraad ah oo dhanka Midowga yurub maraakiibtooda ay ka helaan.
Iyadoo codsigaasi uu jeediya Raila Odinga ayaa jawaab dag dag ah waxaa arrinkaasi ka bixiyay saraakiisha Midowga Yurub ee maraakiibtooda ay ku suganyihiin badeena Somaliya iyagoo ku gabanaya magaca ah la dagaalanka kooxaha burcad badeeda.
Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay inay ka warheleen codsigaasi kaga yimid xukuumadda Kenya balse uu kaga jawaabay inay suura gal ahayn in Kenya ay taageeraan dhanka Marakiibta badda.
Waxa uu sheegay Afhayenkaasi in dalabkaasi uu ka weyn yahay shaqada Maraakiibtooda ay ugu suganyihiin xeebaha Somaliya suura galna ma ahan inaan caawinno Kenya oo dagaal adag kula jirta Al Shabaab ayuu yiri..
Dalabka Kenya ee ah in laga caawiyo dagaalkeda Jubooyinka ayaa yimid markii dhawaan wasiirka Amniga Iyo saraakiil la socotay ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay duleedka Magaalada Nairobi..


