Hogaamiyaha TFG-da Soomaaliya oo cabsi darteed ugu soo laaban la' Magaalada Muqdisho.
Hogaamiyaha TFG-da Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maalin ka hor Booqasho qarsoodi ah ku tagay Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa la sheegay in Cabsi darteed dib ugu soo laaban la'yahay Caasimada Magaalada Muqdisho.
Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Xarunta Madaxtooyada TFG-da ayaa sheegaya in Villo Somalia ay joogaan Wafdi ka socda dowladda Turkiga, waxayna doonayaan inay kullamo la yeeshaan Shariif Sheekh Axmed, hase yeeshee Cabsi darteed dib ugu soo laaban la'yahay Caasimada Magaalada Muqdisho.
Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxay ciidamo aad u fara badan dhigeen wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye kuwaasoo ku jira goobo aan ka fogayn masaafo ahaan wadada laamiga ah, iyadoona la soo sheegayo in Shariif uu aad uga cabsi qabo Qaraxyo Miinooyin ah iyo Tacshiirad lagu weeraro.
"Wafdi Turki ah ayaa jooga Madaxtooyada laakiin haddii maanta Shariif dib ugu soo laaban waayo Muqdisho Wafdigu waa ay baxayaan" waxaa sidaasi SomaliMeMo u sheegay xubin ka tirsan Shaqaalaha Xafiiska Hogaamiyaha TFG-da Shariif Sheekh Axmed.
Shariif Sheekh Axmed ayaa booqasho mar sii horaysay uu ku tagay degmada Afgooye waxaa dhabaha u galay Ciidamada Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin, weerarkaasoo si dirqi ah uu kaga bad baaday Shariif Sheekh Axmed, waana sababta ugu weyn ee hadda Cabsida ku abuurtay inuu dib ugu soo laaban waayo Caasimada Magaalada Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee diyaaradaha Helicopterka ah oo la filayay in loo diro Wafdiga Shariif si ay u soo qaadaan maadaama dhulka Cabsi darteed u soo mari la'yahay ayaa diyaarada laf ahaanteeda Cabsi ay ka qabaan in lagu weeraro Gantaalaha Lidka diyaaradaha uga baxay inay halkaasi gaaraan.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo
Muqdisho


