Wiil Ardey ah oo xalay lagu dilay Muqdisho iyo Qaraxyo Saddex ah oo ruxay magaalada.

Written by Maamul on .

Mid ka mid ah Maleeshiyada TFG-da KMG Soomaaliya ayaa xalay wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu ka mid ahaa Ardeyda wax ka barata Macaahida Magaalada ku toogtay Xaafada Geed jacayl.

Maleeshiyada dilka u geystay Wiilkaasi Ardeyda ah ayaa durbadiiba goobtii ka baxsaday, waxaana saakay dadka Xaafadada Geed jacayl ay hadal hayaan dilka foosha xun ee xalay wiilkaasi dhalinyarada ah ee wax barashada ku guda jiray loo geystay.

Dhinaca kale ilaa Saddex Qarax oo aad u xoogan ayaa xalay laga maqlay Isgoyska Howlwadaag, iyadoo qaraxyadaasi lagu weeraray maleeshiyo ka tirsan TFG-da KMG Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxyadaasi saddexda ah ku dhinteen 4 ka tirsan Askarta TFG-da oo goobta ku sugnaa, waxaana ku dhaawacmay tiro kale kuwaasoo dhaawacyadooda loo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho inta badan waxaa ka dhaca dilal, Qaraxyo Qorsheysan kuwaasoo qasaare kala duwan u geysta Askarta TFG-da oo dhibaato ku haya dadka shacabka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo
Muqdisho

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy