Qaraxyo iyo dagaallo ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho Iyo Afgooye
Sida wararka lagu helayo duhurnimadii manta ayaa ciidanka Mujahaidiinta waxay weerar dhaba gal ah u dhigeen maleeshiyaad ka tirsan TFG-da iyo ciidamo ka tirsan Kuffaarta soo duushay.
Weerarka dhaba galka ayaa in muddo ah socday iyadoo uu ku bilowday qoryaha culus waxaana xigay rasaast fudud iyadoo muddo dagaal socday kadib uu soo gaba gaboobay dagaalkaasi dhab galka ah.
Dhanka kale waxaa qarax xoogan uu ka dhacay deegaanka Tareedishe kaasi oo lala eegtay sida wararka lagu helayo maleeshiyaad fadhiyay goob ku taalaa deegaankaasi iyadoo dhimasho Iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxaasi.
Qaar ka tirsan dadka deegaanka oo xiriir lala sameeyay ayaa sheegay inay arkeen uuro madoow oo meesha is qabsatay waxaana goobta durba soo garay maleeshiyaad kale iyagoo goobta ka qaaday askartii ku waxyeeloowday qaraxa.
Ilaa imika lama hayo tirada askarta ku halaagsantay qaraxaasi laakiin waxaa jira in maleeshiyaadka ay meesha ka sameeyeen howl gal ay dadka ku dhibaateynayaan waxaana wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay noqotay wado maritankeeda ay caqabad ku noqotay maleeshiyaad iyo madaxda kooxda TFG-da..
