Faah Faahin laga helayo ciidankii Itoobiya ee isaga baxay Magaalooyinka wabxo Iyo ceelbuur…

Written by Maamul on .

Wararka laga helayo galgaduud ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya ee saaka ka dhaqaaqay deegaanka Ceelgod ay imika ku fool leyihiin deegaanka Guriceel iyagoo imika Maraya sida dadka deegaanka ay xaqiijinayaan deegaanka Lagu magacaabo Warotowxiid ee horay dadku ay u garanayeen (Wara dhuumale)


Gaadiidka wey dageen oo wey lugaynayaan weyna tira badanyihiin ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka oo xiriir aanu la sameynay, waxaana ciidanka Itoobiya iyo saraakiisha hoggaamineysa hadafkoodu uu yahay inay gaaraan deegaanka Guriceel kadibna ay kaga sii dhaqaaqaan wadankooda sida la rajeynayo


Ilaa Imika ma jiro wax dagaallo ah oo lagu qaaday ciidanka xabashida Itoobiya sida xogta aanu ku heleyno laakiin waxaa jira baqdin Itoobiyaanka ay ka muujinayaan wadada dheer ee isku xira Wara towxiid Iyo Guricel


La soco dhaq dhaqaaqa halka ay marayaan ciidanka Xabashida eek u sii fool leh Guriceel