Sheikh Al Callaamah Xassaan Xuseen Abu Salmaan oo xoriyadiidii dib u helay.

Written by Maamul on .

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in Sheikh Xassaan Xuseen Aadam "Abu Salmaan" oo dhowr maalmood ku jiray gacanta cadowga Kenya uu haatan xoriyadiisii dib u helay.


Sheikh Xassaan Xuseen oo ah Sheikh Caalim ah oo si aad ah looga yaqaano Dunida dacaladeeda kuna xeel dheer culuumta Diinta Islaamka ayaa Jimcadii lasoo dhaafay lagu xiray magaalda Nairobi, ayada oo xariga Sheikha loo sababaynayo Dacwada Sheikha oo noqotay mid saamayn balaaran ku yeelatay Umadda Muslimiinta ah ee ku hadasha luuqadda Soomaaliga meel kasta oo ay Dunida kaga nool yihiin.


Waa Caalim Da'yar, oo allaah uu siiyey Fasaaxo xeel dheer iyo Daakirah baaxad weyn, Waana Caalim aan laga daalin la joogiisa iyo dhagaysiga Muxaadaraadkiisa "Maashaa Allaah".

 

Wixii kasoo kordha arinta Sheikha oo Warkan oo faahfaahsanba gadaal ayaan kasoo gudbin doonnaa inshaa ALLAAH.