Ciidamada Siiraaliyoon oo dhiiggii ugu horeeyay looga daadiyay Somaaliya.
Dagaalkii ugu horreeyay ayaa goordhaw ciidanka Dowladda Siraaliyoon ee Somaaliya kusoo duulay ku qabsaday deegaanno katirsan gobolka Gedo ee Koonfur galbeed Somaaliya.
Wararka nagasoo gaaraya deegaanka Yurkut ayaa xaqiijinaya in ciidamada Muslimiinta ay weerar ballaaran oo dhabagal ah ku qaadeen Kolonyo ciidamo Itoobiyaan iyo Siraaliyoon ah.
Sarkaal katirsan XSHM ayaa SomaliMeMo u sheegay in mujaahidiintu ay waxyeello xoogan gaarsiiyeen Gaari Uuraal ah oo Amxaaradu ay ku gelibinaysay ciidanka Siraaliyoon.
Dagaalka ayaa weli ka socda Yurkut oo hoorraantii sanadkan Amxaarada cashar dagaal loogu dhigay, ciidanka Siraaliyoon ayaa shalay kasoo baxay Doolow waxayna xalay Baryeen degmada Luuq halkaasi oo saaka aroortii hore ay ciidanka Itoobiya kasoo gelbiyeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidankan Siiraaliyoon ka socda ay Itoobiyaanku u gelbinayaan dhanka magaalada Baydhabo oo hadda gacanta Amxaarada ku jirta.
Waa dowladii 6-aad ee duulaan kusoo qaada dalka Muslimka Somaaliya Burundi,Uganda,Itoobiya,Kenya iyo Jabuuti ayaa horay ciidan dagaalama ugusoo diray Somaaliya.
Lasoco Wixii soo kordha Insha'allaah


