Wararkii ugu danbeeyey Dagaaladii Xerada Maslax oo Faahfaahsan.

Written by Maamul on .

Wararkii ugu danbeeyey dagaalo xalay fiidkii gil gilay Xerada Maslax ilaa deegaanka Ceelcirfiid kaasoo u dhaxeeyey Ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliya oo Hub culus ku harqiyey Saldhigyada Deegaanadaasi ay ku leeyihiin ciidamada Ugandha iyo Maleeshiyada TFG-da, iyadoo faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan dagaaladaasi cuslaa.

Dagaalkaasi oo ahaa mid socday in ka badan 45-Daqiiqo ayaa sida ay ilo lagu kalsoon yahay noo xaqiijiyeen waxaa ciidamada Ugandha iyo Maleeshiyada TFG-da looga dilay 5 Askari oo labadaasi dhinac ah, halka tiro intaasi ka badan dhaawacyo culculus ay gaareen, kuwaasoo saakay aroortii hore loo qaaday Xerada Xalane.

Wararka waxay sheegayaan markii Dagaalka fool ka foolka ahaa looga itaal roonaaday Ciidamada Afrikaanta iyo Maleeshiyada TFG-da madaafiic dhowr ah ayay la beegsadeen Deegaanka Ceelcirfiid iyo deegaano kale oo ay dagan yihiin dad shacab.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada Mujaahidiinta oo fulinta qorshaha weerarka lahaa ayaa kaabiga u saaray inay gudaha u galaan Xerada Maslax oo ay dhawaan la wareegeen Ugandheyska dalka ku soo duulay.

Xaalada deegaanadii dagaaladu ay xalay ka dhaceen ayaa saaka dagan, iyadoo aysan jirin wax rasaas ah oo la maqlayo, maadaama Ciidamada Mujaahidiinta qorshahooda dagaal markii ay ku guuleysteen dib ugu laabtay goobihii ay ka soo weerar qaadeen, mana ahan markii ugu horaysay dagaalo culus oo dhimbilo Rasaas kulkulul ah Ciidamada Mujaahidiintu ku galaan Xerada Maslax ee duleedka Xaafada Suuqa Xoolaha Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo
Muqdisho