Dagaal culus oo ay Mujaahidiintu maanta la galeen ciidanka Siraaliyoon iyo gaadiid lagu gubay dagaalkaas

Written by Maamul on .

somalimemo.netDuhurnimadii manta saacaddu markay ku beegneyd 01:30 ayaa ciidanka Mujaahidiinta waxay weerar xoog leh ku qaadeen ciidamo kolonyo ah oo ka tirsanaa xukuumadda Siraaliyoon oo marayay deegaanka Kuteelle lagu magacaabo oo u dhaxeeya Yurkud Iyo Bardaale.


Dagaalka oo socday Muddo saacado ah ayaa ciidanka Mujaahidiinta waxay qasaare xoog leh ku gaarsiiyeen ciidankii la weeraray iyo Itoobiyaan galbinayay askarta Siraaliyoon ee lagu soo xaaqay jaxiimada Soomaaliya.


Sida aanu ka soo xiganeyno saraakiisha Mujaahidiinta waxaa dagaalka uu soo gaaray  02:30 oo duhurnimo iyadoo ciidanka Mujaahidiinta Allaah fadligii ay gubeen ilaa 2 gaadiid oo ay wateen ciidanka Siraaliyoon halka askar badan ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaalkaasi.


Marka la isku geeyo gaadiidka Mujaahidiinta ay ku gubeen dagaalka dagaalada Maanta ka dhacay Bay Iyo bakool waxay marayaan 3 gaari oo labo ka mid ah duhurnimadii manta la gubay.


Dhanka qasaaraha gaaray askarta waxay saraakiishu noo xaqiijiyeen inay cadowga ka dhinteen dhowr Iyo toban askari oo 6 ka mid ah ay ahaayeen ciidanka Siraaliyoon halka dhaawacu uu intaasi ka badanyahay..


Waxaa hakad la galiyay dhaq dhaqaaqa ciidankii Siraaliyoon Iyo kuwa itoobiya iyagoo caawa gabalku uu ugu dhacayo inta u dhaxeysa deegaanadii uu dagaalku ka dhacay waxaana Jira in Mujaahidiinta 2 askari ay kaga dhaawacantay dagaalka sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha Mujaahidiinta…


La soco wixii ka soo kordha dagaladaasi

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy