Sheekh Takawal Yuusuf imaamka Labaad ee Masaajidka Imaamu Shaafici oo xabsiga loo Taxaabay

Written by Maamul on .

MINNEAPOLIS:- Salaaddii Jamce kadib ayaa Masaajidka Imaamu Shaafici ee ku yaala Magaalada Minneapolis., Gobalka Minnesota waxaa laga sheegay in Khadiibkii ama Imaamka labaad ee Masaajidka Imaamu Shaafici Sheekh Tawakal Yuusuf loo taxaabay Xabsiga.


Shabakadda Islaamigaa oo xiriir khadka taleefoonkaa la samaysya Imaamka koowaad ee Masaajidka Imaamu Shaafici, Sheekh C/qani Qardhaawi ayaa sheegay in uusan garanaynin cidda xirtay Imaam Sheekh Tawakal Yuusuf iyo sababta loo xiray, balse uu maqlay xili Khudbada Jamce ay dhowdahay in Niman ay kasoo daba galeen Makhaayad u dhow Masaajidka kadibna ay xabsiga u taxaabeen.


Ilaa hadda ma jirto cid garanaysa sababta loo xiray Sheekh Tawakal Yuusuf iyo cidda uu u xiran yahay. Qoyska Sheekh Tawakal Yuusuf oo xiriir aan la samaynay ayaa sheegay in aysan wax wara ka haynin cidda xirtay iyo sababta loo xiray.


Sheekh Tawakal ayaa kamid ahaa Culimada Ducaadda ah ee ku nool Waqooyiga America, Insha Allah wixii wara ee ku saabsan xariga Sheekh Tawakal Yuusuf dib ayaan ka soo sheegaynaa.

Suxufi Abdiwali  Dalboon, Somali Reporter, Minneapolis, Minnesota.