Maraykanka oo markii u hureysay qirtay in uu toos ugu jiro dagaalka ka socda Soomaaliya.

Written by Maamul on .

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madadaxweynaha dalka mareykanka Barack Obama oo loo gudbiyey Aqalka Congress-ka ayaa markii ugu horeysay lagu shaaciyey Dowlada mareykanka ay si toos ah kaga qeyb qaadaneyso dagaalka ka socda Somalia ee uu dhexeya muslimiinta iyo Gaalada waxaana ay sheegtay in si toos ah ciidankeeda Militiriga uu kaga howlgalo Somalia si ay ula dagaalamaan waxa ay ugu yeertay argigixisada Caalamiga ah.


Maamulka Obama oo arinkan muddo dheer si hoose oo qarsoodi ah u waday ayaa markii ugu horeysay banaanka soo dhigay ka dib markii Golaha Congress-ka ee sharci dajiyeyaasha Mareykanka uu ku wargeliyey in Ciidankiisu ay si toos ah kaga qeyb qaataan dagaalada ka socda Somalia iyo Yemen taasna ay ku riixday kobaca iyo dhaqdhaqaaqa xoogan ee mujaahidiintu ay ka wadaan dalalka Somalia iyo Yemen.


“Somalia Xaalado kooban oo jira darteed ayaa sababtay in ciidankeena Militiriga ah uu si toos ah kaga qeyb qaato dagaalada ka socda wadanka Somalia, kuwaas oo ka dhan ah Xubnaha Alqaacida iyo xitaa kooxda Al shabaab, waxayna dhamaantood ku mashquulsan yihiin sidii ay fulin lahaayeen Weeraro argigixisonimo oo ka dhan ah mareykanka” ayuu yiri madaxweynaha Dalkaas Barack Obama.


Inkastoo hadalkan uu ahaa Beerlaxowsi uu taageero kaga raadinayo golaha Congress-ka mareykanka ayaa hadana waxaa adkaaneysa in sharci dajiyeyaasha mareykanka ay ogolaadaan Go’aanka Maamulka Obama uu ku doonayo in markale ciidamo Ameerican ah ka dagaalamaan dhul ka baxsan Meelihii lagu ogaa ee uu horay ugu soo duulay.


Dhanka kale Qoraalka Gaal barack Obama uu u qoray Golaha Congress-ka mareykanka ayuu ku sheegay in ay qeyb ka yihiin dagaalka socda wadanka Yaman halkaas si toos ah ay kaga qeyb qaadanayaan militiriga mareykanka oo dhulka iyo cirka intaba ku socda waxaana maamulka Obama uu sheegay in taas uu kaga gol leeyahaya sidii loo yareen lahaa dagaalka ay kula jiraan mujaahidiinta Alqaacida ee dhulka jaziiradda Carabta.


Bilooyinkii la soo dhaafay ayaa si aad ah loo hadal hayey Saraakiil mareykanka ah oo si toos ah kaga qeyb qaadanaya dagaalka ka socda Somalia gaar ahaan kuwa taageero toos ah siinaya kufaarta africanta ee magalada muqdisho iyadoona horay Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab ay u shaacisay in Saraakiil mareykanka ah ay toos ah kaga qeyb qaataan dagaalada ka socda wadanka Somalia kuwaas oo qaarkood ku baqtiyey dagaalada toos ah ee ka dhexeya mujaahidiinta iyo kufaarta africaanta ah.


Dowlada mareykanka ayaa horay wadanka Somalia kaga waday faragelin aan toos ahayn balse ku dhawaaqidan ayaa imaaneysa xilli dalka Somalia uu ku guda jiro duulaan isbaheysi caalami ah uu soo qaaday kaas oo lagu doonayo sharciga Islaamka lagu burburiyo.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy