Itoobiya oo Maanta ka baxay Guriceel iyo Dhuusamareeb Waa Sidee Xaaladda Gobolka Galguduud?
Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa baneeyay dhamaan degmooyinka ay ka joogeen gobolka Gedo ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Kumanaan katirsan ciidamada Xabashida oo maalmo ka hor kasoo baxay Ceelbuur iyo Wabxo ayaa hakad ku ahaay degmada Guriceel halkaasi oo ay ku suganyihiin kooxaha mushrikiinta qabuura caabudka ah.
Wararka nagasoo gaaraya duleedka Guriceel ayaa xaqiijinaya in ciidanka Itoobiya oo gaadiidka taangiyada Xambaara iyo Uuraallo wata ayaa Guriceel dhanka Balanballe u dhaqaaqay.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Xabashida oo si feejigan ku socda ay weli sii socdaan saaka aroortii ayay bilaabeen in ay ka dhaqaaqaan Quraca Haraca.
Waxaa fashil kusoo idlaaday kulan dhaxmaray saraakiisha ciidanka Itoobiya iyo saraakiisha Mushrikiinta kaasi oo salka ku hayay sii ay Itoobiyaanku ilaala uga qaban lahaayeen Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Xeefow ayaa weji gabax kala kulmay Itoobiyaanka waxaana lafilayaa in mushrikiintu difaacdaan deegaanada ay ku suganyihiin ama ay baneeyaan deegaanada dhaca hareeraha wadada laamiga ah.


