Beesha Caalamka oo Shariif Sh.Axmed ku amartay in uu Xilka Wareejiyo iyo Khilaaf ka taagan Shir Nairobi ka socda (Xog).

Written by Maamul on .

somalimemo.netHoggaanka DKMG ah iyo waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa isku mari weysan waqtiga uu ku egyahay xilalka madaxda DKMG ah oo uu ka harsanyahay wax aan ka badneyn bil iyo bar.

Magaalada Nairobi waxaa isugu tegay Labada Shariif Gaas iyo waxa loogu yeero saxiixayaasha Roadmapka oo ah wadamada Cadawga ku ah Somaaliya ee saxiixay in duulaanka Somaaliya la xoojiyo si loo burburiyo maamulada Islaamiga ee dalka kajira.

Wararka Nairobi ka imaanaya waxay sheegayaan in Mareykanka Q.Midoobe iyo Midowga Yurub ay diideen codsi ka yimid Shariif Sheekh Axmed oo dalbanayay in xilka madaxtinimada loogu daro Hal sano iyo Bar.

Gaas iyo Sharif Xasan oo isku aragti ka ahaay arrimaha taagan ayaa ku taliyay in aan wax waqti ah loogu darin madaxda DKMG ah oo xoogga lasaaro sidii marxalada KMG ah looga bixi lahaay.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in shariif Sheekh Axmed oo isku dayay in uu kabaxo shirka isagoo dhanka Kampala u duuli rabay balse ciidamada Kenyaa ku celiyay Garoonka diyuuradaha Wilsan Airport.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Q.Midoobe iyo dhamaan kuwa loogu yeero beesha caalamka ay amar kusiiyeen in uu xilka wareejiyo ka hor 30-ka Bisha July.

Cadde Xassan
SomaliMeMo
Muqdisho