Shirkadda Xawaalada Dahabshiil oo kala dirtay Shaqaalihii Telcom Somalia (Maxay tahay Sababatu).

Written by Maamul on .

Shirkadda Xawaalada Dahabshiil ayaa waxay si rasmi ah u kala dirtay dhammaan Shaqaalihii Shirkadda Isgaariinta Telcom Somalia, kadib markii Maamulka Xawaaladaasi ay la wareegtay milkiyada Shirkadaasi Musiibada horumar la’aanta ku habsatay.

Mid ka mid ahaa Shaqaalihii Shirkadda Telcom Somalia ayaa noo sheegay in la kala diray dhammaan Shaqaalihii Shirkadaasi, waayo waxay ku guuldareysteen inay kor u qaadaan howlihii shaqo ee shirkadaasi oo dadka macaamiilka ahaa ku eedeeyeen Horumar la’aanta shirkadaasi Shaqaalaha oo Qaab Qabiil lagu soo xulo iyo arrimo kale oo fara badan.

Taleefoonada Shirkadda Telcom Somalia ayaa noqday mid Free ah ku Hadalka guddaha muddo 10 Cesho ah taasoo keentay in Qiimaha Lafta Telcom Cusboonaysiinta iyo soo Iibshada kor u kacday caasimada Magaalada Muqdisho.

Wararka waxay sheegayaan in Shirkadda Xawaalada Dahabshiil oo si buuxa ula wareegtay saamiga shirkadaasi dib u habayn ku samayn doonto dhanka Shaqaalaha iyo maamulka, isla markaana Adeeg loogu magac daray IIKAASH oo la mid ah adeegyada EVC-Hormuud iyo EMAAL- Nation link ku kordhinayaan howlaha Isgaariinta Telcom Somalia, iyadoo shirkadda Dahabshiil xudun u noqon doonto bixinta lacagahaasi.

“La wareegitaanka Telcom Somalia waan soo dhawaynayaa waayo waxan ka mid ahay muddo badan macaamiisha wax horumar ah oo dhanka isgaariinta ay ka gaadhay ma jirto, taas waxaa ugu wacnaa shaqaalaha iyo maamulka oo hal dhinac ah haddase Shirkadda Dahabshiil ayaa la wareegtay oo maalgalin iyo dib u habayn ku samaynaysa waana ku faraxsanahay taas” ayuu yiri mid ka mid ah Macaamiisha Shirkadda Telcom Somalia.


Liibaan Jeexow Cabdi
SomaliMeMo
Muqdisho