Shir xasaasi ah oo maanta Afgooye ka dhacay.
Shir xassaasi ah oo uu ka soo qeybgalay taliyaha Ciidamada Uganda ee Somaliya Paul Lokech ayaa maanta ka dhacay gudaha degmada Afgooye kaasi oo looga arrinsanayay xaaladaha heysta huwanta qabsatay degmada Afgooye iyo halka uu ku danbeyn doono gulufkooda dagaal.
Ciidamadii ugu badnaa oo Afrikaanta ka mid ah ayaa maanta lagu daadiyay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ay difaacyo ka galeen waddooyinka fog fog ee soo gala Afgooye iyo wadada dheer ee Muqdisho ka timaada.
Saraakiil ka tirsan Mujaahidinta ayaan ka soo xiganay in ay ka warheleen kulanka Afrikaanta isla markaana ujeedkiisu ahaa in ay ka fiirsadaan masiirka ay ku danbeyn doonaan ciidamadooda soo galay Afgooye, iyo waxa ku heysta wadada Muqdisho iyo Afgooye.
Lama helin wax macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan shirka Afrikaanta, hayeeshee wixi ka danbeeyay qabsashadoodii Afgooye waxey wajahayeen cadowgu xaalado aad u adag, iyadoona ay adkaatay isu gudubka ciidankooda iyo in si sahal ah ay sahaydooda ku soo gaarto.
