Sh.Abu Muscab “ 48-dii Saac ee lasoo dhaafay Cadawga waxaan ka gubnay 8 Gaadiid ah, Qorshihii Dagaalkuna wuu Guulaystay” Dhagayso.

Written by Maamul on .

somalimemo.netAfhayeenka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh.C/Caziiz Abu Muscab oo galabta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay Cadawga Afrikaanta ah iyo Maleeshiyada la socota ay la galeen Dagaallo culus oo ka dhacay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye halkaasna ay ku gubeen 8 Gaadiidka dagaalka ah ayna ku dileen Askar iyo Maleeshiyo fara badan oo ay ku jiraan Saraakiil.

Sh.Abu Muscab ayaa sheegay in maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay ay dagaal xoogan la galeen Ciidamo Burundi ah oo uu hogaaminayay Sarkaal Faransiis ah iyo Maleeshiyo Soomaali ah oo dabadhilif u ahayd gaalada, halkaasna ay ku gubeen 1Taangi, 2 Taaw, 3 C/Bille iyo 2 BG, ayan halkaas ku dileen Sarkaalkii Faransiis-ka ahaa ee Burundiga hogaaminayay iyo Ciidamo badan oo uu watay.

Maalinimadii Jimcaha ayuu sheegay inay Kamiin “Dhabaqal” ka dhacay Ceelasha Biyaha ay ku gubeen 2 BG oo ay Maleeshiyo ka buuxday kuwaas oo gabi ahaanba meesha ku gubtay, sidoo kale ay dileen Sarkaalkii ugu sareeyay Maleeshiyada ku sugan Ceelasha Biyaha, wuxuuna sheegay in Wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay gacanta ku hayaan Mujaahidiinta kuwaas oo qaabkii iyo waqtigii ay doonaan Cadawga ugu baacsada wadadaas halkaasna ku gaarsiiya khasaare lixaad leh.

Sh.Abu Muscab ayaa sheegay in qorshihii ay u dejiyeen Dagaalka Jihaad-ka ah ee ay kula jiraan Cadawga is bahaystay ee ka kala socda wadamada Yugaandha, Burundi, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Siiraaliyoon, Maraykanka iyo Yurubta uu guuleystay, taas oo uu sheegay inay cadayn u tahay in hada Cadawgu uu billaabay dib-u gurasho, halka ay Mujaahdiiintu weli caaboonyihiin cududooduna ay weli sideedii u taagantahay oo uu cadawgu maaro u la’yahay.

Sheekha ayaa ugu dambayntii Allaah u mahad celiyay guulaha uu Muslimiinta siiyay kadibna wuxuu u mahadceliyay Dadka Soomaaliyeed oo uu sheegay in Kaalin lixaad leh ka qaateen sidii cadawgaas ay iskaga dulqaadi lahaayeen, wuxuuna isagoo soo qaadanaya Aayado Qur’aan ah iyo Gabayo Soomaali ah ku sii booriyay inay halkooda kasii wadaan dadaalka, cadawgana ay la sabartamaan oo aysan marnaba ka caajisin ama ka daalin Jihaadka.


Halkan ka  dhageyso Shirka Jaraa'id ee Abuu Muscab