Fasahaadka Dadka Damaashaadka u tagaya Xeebta Liido oo sii kordhaya (Warbixin).

Written by Maamul on .

somalimemo.netDhalinyaro isugu jira Ragg iyo dumar aad u fara badan ayaa maalin kasta oo Jimco ah damaashaad iyo Tamashleyn Fasahaad ah u taga Xeebta Liido Degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho.

Xeebaha Liido iyo Jaziira ayaa waxay noqdeen goobo ay isugu taagaan Dhalinyaro fara badan oo ragg iyo Dumar leh, iyagoona halkaasi isugu yimaadaan si ay ugu dabaashaan badda iyo arrimo kale oo Fasahaad abuuraya.

Maalintii Jimcaha shalay oo aan booqday Xeebta Liido Degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si aad ah halkaasi uu buuxiyey Dhalinyaro fara badan oo haween qeyb ka ah, iyadoo dharka ay xirnaayeen ahaa dhar Qafiif ah qaarkood waxay xirnaayeen Saraawiil iyo funaanado iyagoo isku ekeysiiyey Sida Raggii oo kale, Timahooduna waxay ahaayeen kuwo banaan, waana qeyb ka mid ah Fasahaadka ka jira Maalinta Jimcada Xeebaha Liido iyo Jaziira ee Magaalada Muqdisho.

Koox Haween ah oo ay wehliyaan dhalinyaro fara badan oo ka mid ahaa dadkii dabaasha u soo aaday Xeebta Liido ayaa waxaa ku xoomay dhalinyaro kale oo fara badan kuwaasoo Falal Fool xun oo ka baxsan Diinta Islaamka kula dhaqmay, kadib markii ay Naasaha ka jiid jiideen Gabdhahaasi oo jirkooda aan asturneyn islamarkaana dhalinyaro badan oo Ragg ah dhexda ka galay.

"Maalin kasta oo Jimco ah ayay dhacaan falalka noocaani oo kale ah, Haweenka waa kuwo Ragga dumarka iyago xiran badda soo aada, Ragguna Boomooyin gaa gaaban ayay xirtaan qaarkood qaawanaan ayay ka doorbidaan dharka ay xiranayaan" waxaa sidaasi ii sheegay mid ka mid ah Dhalinyada badda aan kula kulmay oo aan wax ka weydiiyey Fasahaadka Dadka Damaashaadka u tagaya Xeebta Liida maalin kasta oo Jimco ah haba ugu darnaadeen Dumarka.

Sidoo kale xeebta Jaziira oo lagu galo lacag dhan $15 Doollar ayaa waxaa maalin kasta oo Jimco ah buux dhaafiya Dad u badan qurba joog iyo Dhalinyaro Habla ay ku jiraan, waxaana halkaasi qeyrul caadi ka noqday Fasahaadka mana jirto wax cabsi ah oo ay muujinayaan.

Si kastaba Shacabka Reer Muqdisho ayaa ahaa kuwo waxyaalahaasi oo dhan aan marnaba maankooda ku soo dhici jirin wixii Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ay gacanta ku haysay Degmooyinka gobolka Banaadir intiisa badnaa, hase yeeshee hadda xaalku waxa uu u muuqdaa mid loo darsaday marka loo eego dhanka Dhaqanka iyo Fasahaadka ka jira Xeebaha Liido iyo Jaziira ee Caasimada Magaalada Muqdisho oo xitaa ay yimaadaan dad Cadaan ah.

Liibaan Jeexow Cabdi
Muqdisho