Ciidanka KMG oo howlgal dad rayid ah lagu qabqabtay ka sameeyey Muqdisho.

Written by Maamul on .

somalimemo.netWararka naga soo gaaraya Ex-Koontarool Afgooye ayaa sheegaya in halkaasi saaka howlgalo dad badan oo shacab ah lagu qabqabtay ka sameeyeen Ciidanka DKMG, kadib markii xalay qarax aad u culus lagu qarxiyey Ciidankaasi.

Qarax aad u culus ayaa xalay ka dhacay Fariisin Ciidamada DKMG ay ku leeyihiin Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ayaa saaka Ciidamada waxa ay howlgal ka sameeyeen Isgoyskaasi kaasi oo ay ku raadinayaan Xoogagii ka dambeeyey Qaraxaasi.

Wararka waxay sheegayaan Ciidamada inay baaritaano ka sameeyeen xaafadaha ku dhow dhow Ex Koontarool Afgooye iyo sidoo kale gaadiidka fara ku tiriska ah ee ka howlgala Muqdisho iyo Afgooye halkaasoo ay ku qabteen ilaa 7 ruux oo rayid ah kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyaan Qaraxa.

Qaraxaasi ayaa dhacay xalay xili Ciidamada ay ku mashquulsanaayeen Marqaamida goob ay ku leeyihiin Isgoyska, iyadoo aan si dhab ah loo ogayn qasaaraha ka dhashay qaraxaasi, hase yeeshee xiriiro kala duwan oo aan la samaynay dad xog ogaal ah ayaa noo xaqiijiyey inay jiraan Dhimasho iyo dhaawac gaaray Ciidankii Qaraxa lagu weeraray xalay.

Si kastaba Isgoyska Ex Koontarool Afgooye waxaa fariisin ku leh Ciidanka DKMG halkaasoo gaadiidka dadweynaha iyo kuwa Xamuulka ee isticmaala kaga qaada lacago fara badan oo Leejo ah, iyadoona qaraxani ahayn kii ugu horeeyey oo xili habeen ah lagu asqeeyo isgoyskaasi.

Libaan Jeexow Cabdi
SomaliMeMo Muqdisho